Gudoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Dowlada Soomaaliya Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

0
Wednesday August 31, 2016 - 14:25:12 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Rayidka Ee Dowlada Soomaaliya Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

    Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyhii Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Cali Maxamuud Ibraahin (Cali Dheere).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyhii Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Cali Maxamuud Ibraahin (Cali Dheere).

Guddoomiyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanay Magaalada Muqdisho,waxaana uu Xanuunkii u geeriyooday Xalay gelinkii dambe.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay Geerida Marxuum Cali Dheere,waxaana ay u dirtay Shaqaalaha Rayidka ah iyo ehelka Marxuumka.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa in aaskiisa ay ka qeyb galayaan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waqtiyadii dambe ku howllanaa dib u habeynta shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka,waxaana uu inta badan xoogga saari jiray sidii ay shaqaalaha u heli la haayeen xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip