Dowladda Federaalka: "Qeybdiidna jid leh, Gaasna Gar leh" (Nabar kor laga dhayay goormuu bogsanayaa?!!)

0
Wednesday October 22, 2014 - 07:42:23 in Wararka by
  • Visits: 2484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka: "Qeybdiidna jid leh, Gaasna Gar leh" (Nabar kor laga dhayay goormuu bogsanayaa?!!)

    Dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland oo dhowaan magaalada Garowe ku saxiixday heshiis dhinacyo badan oo labada dhinac ay ku xoojinayaan wada shaqeyntooda, inkasta oo la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland oo dhowaan magaalada Garowe ku saxiixday heshiis dhinacyo badan oo labada dhinac ay ku xoojinayaan wada shaqeyntooda, inkasta oo labada dhinac isku af garteen qodobada heshiiska intiisa badan, hadana waxaa soo baxaya caqabado hor leh oo heshiiska labada dhinac uu ku keenay arrimaha maamul u sameynta gobolada dhexe oo magaalada Cadaado iminka loo fadhiyo.
Heshiiska Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland wuxuu dhalay hakad ku yimid shirweynihii maamul u sameynta gobolada dhexe oo la doonayay in maamul goboleed loogu sameeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo iminka ay socdaan wadahadallo iyo dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu dhawaaqo maamulkaasi.

Waxaa su'aalo fara badan la iska weydiinayaa qaabka loo dhameyn khilaafka u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland oo iyagu laba dhinac ka kala maamula gobolka Mudug, waxaa taas ka sii daran sida gobolka Mudug iyo gobolka Galgaduud iyana looga dhigayo hal maamul goboleed.

Haddii meel la iska dhigo labada nabar ee damqanaya Puntland iyo Galmudug, waxaa iyana soo butaacaya qabiilada degan gobolada dhexe sida gobolka Galgaduud oo Puntland sheegato inay maamusho iyo waxay su'aalo badan ka taagan yihiin sida loogu calaamadeynayo xuduudaha gobolada dhexe ay leeyihiin oo haddiiba ay dhacdo in loo calaameeyo ay hubaal tahay in beelaha qaarkood qeyla dhaan xoogan ka muujinayaan haddii aanay dagaalaminba.

Ma aha wax halkaan lagu soo koobi karo dadaalkii Dowladda Federaalka ee ku saabsanaa inay dalka ku baahiso nidaamka Federaaliga ah, iyadoo heshiiskii Puntland ay la gashay iyo dhismaha maamul goboleedka gobolada dhexe uu noqday "Qeybdiidna jid leh, Gaasna gar leh", tiiyoo noqotay nabar korka laga dhayay, kaasi oo mar kasta soo butaacaya is qabqabsiga iyo isku dhacyada maamul goboleedyada isla markaana aan bogsaneynin.

Si kastaba ha ahaatee mushkiladda maamul goboleedyada ayaa xalinteedu waxay noqotay "Faanoole fari kama qodna" Jubbooyinka waa la isku heystaa, K/Galbeed Saddex iyo Lix ayaa qoorta la isugu jiraa, Gobolka Hiiraan beelo ayaa ku dagaalamaya arrimo ku saabsan maamulka Federaaliga ah iyo dhul ballaarsi, Banaadir ma fayooba beelo ayaa tirsanaya cadaalad darro iyo xaqiraad, arrimahaasi xalintooda kuma dhamaaneyso sanad iyo laba sano.

Waxaan shaki ku jirin oo soo ifbaxaya marka la eego sida ay wax u socdaan in Soomaaliya aanay ka dhici karin sanadka 2016-ka doorasho xor oo dadweynaha ay ku dooranayaan Madaxweyne, hase yeeshee fidnada Federaalka oo dowladda dhexe hoggaamineyso uma qoyna umana qasna, waxaanse hubaa taladii tiri "Soomaaliya Federaal ha lagu maamulo" inay dooneyso jaha wareerin iyo ogaal xumo aqooneed oo dano gaar ah laga leeyahay.

Shantii Soomaaliweyn oo horay loo kala qeybiyay ayaa maantana qoorta la isugu geliyay Federaal iyo in degaan kasta uu sameysto maamul u gaar ah oo hoos taga Dowladda dhexe ee Federaalka, hase yeeshee su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah "Soomaaliya ma u diyaarsan tahay inay qaadato nidaamka Federaaliga ah?!!" jawaabta waa (MAYA).

Nidaamka Federaaliga ah dalka qaadanaya waa in shacabkiisu dhisan yahay oo marka hore uu isagu doorto inuu iskiis isku maamulo, ma aha mid kor looga keenayo ama madax ka tirsan Dowladda dhexe, Xildhibaano iyo xubnaha Dowladda mid kasta degaanka uu ka soo jeedo u sameynayo ismaamul goboleed aanay dadka degaanka raalli ka ahayn.

Ugu dambeyntii dalka doorasho xor waxay ka dhici kartaa oo kaliya marka dalka laga hirgeliyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo meesha laga saarayo nidaamka Federaalka, isla markaana dalka Hal Madaxweyne loo doorto, taasi oo aan shaki ku jirin inuu meesha ka saarayo is qabqabsiga xukunada maamul goboleedyada iyo dhulalka ay beelaha Soomaalida ku dagaalamayaan, haddii aanay taasi dhicin oo maalinba meel lala istaago maamul goboleed farqaha la heysto shaki kuma jiro in dalka aanu weligii xasili doonin.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com
https://www.facebook.com/jabriilmnuur
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip