Nabadoon ku sugan Kismaayo oo xalay gurigiisa lagala baxay (Waa maxay sababta?)

0
Friday October 24, 2014 - 11:34:10 in Wararka by
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon ku sugan Kismaayo oo xalay gurigiisa lagala baxay (Waa maxay sababta?)

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xalay gurigiisa lagala baxay nabadoon lagu magacaabo Xasan Maxamed (Giriir) oo ka tirsan waxgaradka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xalay gurigiisa lagala baxay nabadoon lagu magacaabo Xasan Maxamed (Giriir) oo ka tirsan waxgaradka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo Nabadoonka ayaa waxaa gurigiisa ka kaxeystay ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasi oo ula dhaqaaqay xero ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Nabadoon Giriir ayaa la sheegayaa inay ciidamada maamulka Jubba ay ku sameeyeen jirdil xoogan, kaasi oo dhaawacyo xoogan ay ka soo gaareen qeybo ka tirsan jirkiisa.

Dhinaca kale Nabadoon Xasan Maxamed Giriir ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid yahay odayaashii ka horyimid shirkii Kismaayo lagu soo gabagabeeyay isla markaana iska diiday amar ka soo maamulka Jubba oo ku saabsanaa inay isaga baxaan Kismaayo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip