Dowladda Maraykanka oo ka digtay in Shabab ay weeraraan dalka Burundi

0
Friday October 31, 2014 - 13:36:39 in Wararka by
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo ka digtay in Shabab ay weeraraan dalka Burundi

    War kooban oo kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay jirto halis ah in Al-Shabab ay weeraro ka geystaan wadanka Burundi oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kooban oo kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay jirto halis ah in Al-Shabab ay weeraro ka geystaan wadanka Burundi oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogeen.
Warkaan waxaa lagu sheegay in xogo la helay ay muujinayaan in Xarakadda Al-Shabab ay dhameystireen qorshe ay ku doonayaan inay weeraro kaga geystaan xarumo muhiim ah oo ku yaala caasimada dalka Burundi.

Maraykanku waxaa uu ugu baaqay xukuumada Bujunbura inay qaado tilaabooyin ay amaanka ku hubinayso ugana hortagayso weerarada kaga imaan kara Al-Shabab.

In weeraradaan ay Al-Shabab ku doonayaan inay ku bartilmaamaydsan karaan ayaa xarumaha dawlada ama danaha Maraykanku ku leeyahay dalka Burundi ayaa lagu sheegay warkaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.

Dadka Maraykanka ah ayaa looga digay inay inay u safraan wadanka Burundi illaa amar dambe inta joogtana waxaa looga digay inay wadooyinka kaligood maraan, gaadiidka dadweynaha raacaan ama ay si joogto ah u tagaan goobaha la iskugu yimaado ama ay caasimada ka baxaan maadaama ay bartilmaameed u noqon karaan Al-Shabab.

Shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Bujumbura ayaa loogu baaqay inaysan xarunta safaaradda ka bixin sababtoo ayaguba bartilmaameed ayay noqon karaan.

Maraykanku dhawr jeer ayuu ka digay in Al-Shabab ay weeraraan wadamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Al-Shabab kula dagaalama.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip