Kulankaan ayaa waxa soo xaadiray Xubno dhowr ah oo dhaqanka Caan ku ah inkastoo tiro kale oo muhiim ah ay fadhiga Soo Xaadirin iyagoo ku macneeyay in uu dhinac yahay .
Xubnaha isugu Yimid kulanka ayaa furitaanki kulanka kadib waxa ay is dhaafsadeen Doodo Xasaasi ah mararka qaarna ku dhawaanayay in gacmaha laisula tago iyadoo ay luntay ujeedadii loo yimid goobta.
Koox Nabadoona ah ayaa Ajandaha Shirka soo bandhigay iyagoo codsaday in codka lagu biiryo Gudoomiyaha talada laga qaaday ee Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere0. isla markaana La Cambaareeyo Talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Nuur Cade isla markaana la hor keeno Odoyaasha Dhaqanka Mudulood.
iyadoo sidoo kale ay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaaraha ka qaadista xilka kaliya uusan ku ekeen oo xilkiiba ku wareejin doono dad aanan udhalan beesha isla markaana ehel u aheyn hogaaminta gobolka ayuu si careesan uyiri mid ka mid ah Raga Fakirkaan qaba.
Go’aankaan ayaa waxa si aad ah uga soo hor jeestay xubnihi kale ee kulankaa xaadir ku ahaa iyagoo tilmaamay in Kulankaan aan loo dhameen tan kalena ku tilmaamay in ayba saxsaneed wadada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Nuur Cade ayna si buuxda utaageersan yihiin .
Habada madasha shirka ka ayaa waxa hareeyay Buuq iyo Sawaxan kaasi uu ku sigtay in gacmaha la isula tago iyadoo Ay arinkaas gaashaanka udaruureen xubno dhaqankaa oo iyaga ku guuleestay dajinta Xasarada isla markaana eclaamiyay kulan kale oo midkaan kabaaxad weyn si aragtida beesha loo mideeyo go’aan wada jir ahna uqaataan.
Inkastoo Aragtida Dhaqanka Beesha Mudulood ee Waqtigan aysan kulansaneen ayaa hadana waxa ay isaga mid yihiin in hadii Maxamed Dheere Xilka laga qaado aanan la dhaafin Daadaheenta Maamulka Gobolka banaadir ay xaq uleeyihin in markale la siiyo Beesha Degta Gobolka banaadir ee Mudulood.
Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Dhaqanka Beesha Mudulood (Warbixin Xasaasi ah )
Kulan ay isugu Yimideen Qaar ka mid ah Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudullood ayaa ka dhacay Guriga Nabadoon Jilacow ee Magaalada Muqdisho.