Xildh. Cabdi Barre: "Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa inaan ilaalino sharciga oo aan la safan labada dhinac ee is haya"

0
Friday November 07, 2014 - 08:02:45 in Wararka by
  • Visits: 1308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Cabdi Barre: "Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa inaan ilaalino sharciga oo aan la safan labada dhinac ee is haya"

    Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdi Barre in wax kasta ay kala weyn tahay difaacidda dastuurka dalka u yaala oo ay shacabka Soomaaliyeed uga wakiil yihiin, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaanada qaarkood ay arrintaasi dhinaca kale uga weecde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdi Barre in wax kasta ay kala weyn tahay difaacidda dastuurka dalka u yaala oo ay shacabka Soomaaliyeed uga wakiil yihiin, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaanada qaarkood ay arrintaasi dhinaca kale uga weecdeen.
Xilhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo doorka uga aadan Xildhibaanada sidii lagu soo afjari lahaa khilaafkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in iyagu aanay dooneynin in dhegaha shacabka Soomaaliyeed la maqashiiyo hadallo iyo ficillo rajo tiraya 22-sano kaddib.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa inaan ilaalino sharciga oo aan la safan labada dhinac" ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo si cad u sheegay inay ka hortegayaan mooshin guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay oo lagu ridayo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xalay kulan ay yeesheen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay go'aansadeen inay kahortagaan mooshinka laga keenay xukuumadda ra'iisal Wasaare C/Weli, isagoona sheegay in Xildhibaanadu caadeysteen mar kasta oo ay is qabtaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ay Baarlamaanka hor geeyaan mooshin macaash raadis ah.

Dhinaca kale arrimaha khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka ayaa saameyn xoogan waxay ku yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka oo iyagu ku kala qeybsamay una kala jabay laba dhinac, iyadoo Muqdisho ay ka socdaan kulamo iyo shirar kala gaar gaar ah oo iska soo horjeeda.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip