Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka rayidka ah ee degan shan tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose, iyagoo si khasab ah uga qaata lacago, xoolo nooc kasta oo ay yihiin.
Guddoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cusmaan oo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay cabasho xoogan ka soo gaartay dadka ku dhaqan ilaa shan tuulo oo ka tirsan degmadaasi, cabashooyinkaasi oo isugu jira kuwo ay u geysanayaan kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo saameyn xoogan oo ku yeeshay roobab xoogan oo degaanadooda ka da'aya.
"Maleeshiyaad ka tirsan kooxaha nabad diidka ah ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka ku dhaqan tuulooyin ka tirsan degmada Qoryooley" ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xaaji oo sheegay in qoysas dhowr ah si khasab ah looga qaatay hantidii ay lahaayeen oo uu sheegay inay jiraan qoysas ay ceyrteeyeen Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay in hakad la geliyay weerar ku wajahnaa tuulooyinka ay Shabaabku joogaan degmadaasi, bacdamaa roobab xoogan ay biyo dhigeen waddooyinkii tegayay tuulooyinkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulkiisu dadaal xoogan ugu jiro sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.
Dib u dhac ku yimid weerar lagu qaadi lahaa Al-Shabaab Qoryooley ku sugan (Waa maxay sababta?)
Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka rayidka ah ee degan shan tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose, iyagoo si khasab ah uga qaata lacago, xoolo nooc kasta oo ay yi