Banaanbax iyo Dhafar ee isku arkeen Ahlu Dariiqo oo lagu soo qatimay Siyaarada Mashaa'iqda (Daawo Sawiro+Video)

0
Saturday November 08, 2014 - 19:04:44 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Banaanbax iyo Dhafar ee isku arkeen Ahlu Dariiqo oo lagu soo qatimay Siyaarada Mashaa'iqda (Daawo Sawiro+Video)

    Siyaaradi Sheekha Caalimka ahaa ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar Al-Warsheekhi iyo Sheekhi Cilmiga iyo Sijaadada ka dhaxlay Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman ayaa lagu soo qatimay xilqooyin dikri ah oo ee kasoo wada qeybgaleen dhamaan Ahlu dariiqo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradi Sheekha Caalimka ahaa ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar Al-Warsheekhi iyo Sheekhi Cilmiga iyo Sijaadada ka dhaxlay Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman ayaa lagu soo qatimay xilqooyin dikri ah oo ee kasoo wada qeybgaleen dhamaan Ahlu dariiqo.
Banaanbaxyo aad uwaa weyn oo ee siweyn usoo camireen Ardayda Ahlusunah Waljamaac iyo mudarasiinta Masaajiydada magaalada Muqdisho ayaa waxa qatin iyo gunaanad looga dhigay Siyaaradi Mashaa'iqda.

Sida caadada u ah Ahlusunah Waljamac waxa had iyo jeer lagu soo gunaanadaa, ixtifaalada diiniga ah Xilqooyin dikri ah oo lagu aqrinayo Qasiidooyin isugu jiro Madaa'ixda Rasuulka CSW iyo Owliyada Ilaahey.

Xilqooyinka dikriga ahaa ee Qushuuca iyo raxmada galiyay dhamaan quluubta dadki kasoo qeybgalay ayaa waxa kala ahaayeen Raxmaaniya, Rufaaciya, Uweysiya iyo Seyliciya.

Qaadi Armiiye oo ah qaadiga |Dikriga Uweysiyada ayaa siweyn uga dhax muuqday halka dhanka dikriga Seyliciyada uu horkacayay Qaa'idka dikriga Seylicayada Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman.

(Daawo Sawiro By Mobile)


Xilqooyinka dikriga kadib ayaa waxa duco dheer kusoo qatimay Siyaarada Saaxibul sijaadaha reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar , Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Sheekh Cumar, dhanka kale Sheekh C/raxman Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman ayaa isna waxa uu uga mahad celiyay dhamaan Masha'iqdi, Mudarasiinti, Mucalimiinti, Ganacsatadi, Dhaqanka, Siyaasiyiinti iyo dhamaan inti kasoo qeybgashay Siyaarada Mashaa'iqda iyo kuwi kaqeyb qaatay hab sami uqabsoomida howlaha Siyaarada oo kusoo gaba gaboobay sidi loogu tala galay

Qaar kamid ah magacyada Culimadi Kasoo qeybgashay.

• Xaaji Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf
• Sheekh Amiin Sayid Cali
• Sheekh Cabdisamad Sheekh Shariif Sh: Muxyadiin (Celi).
• Sh: Cade Sh: Iiker Sh: Max'ed Sh: C/raxman (Suufi)
• Sheekh C/qaadir Xaaji Ciise
• Sheekh Muuse Maracade
• sh cade shiikar sh maxamed sh c/raxmaan sh suufi
• Sheekh C/qadir Sheekh Axmed Xaaji.
• Sheekh C/risaaq Sheekh Aadan Dheere
• Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdule
• Sheekh Cabdala-Diif Sheekh Xasan Yuusuf
• Sheekh Soomow

Ka shabakada Warsheekh ahaan waxa ka cudur daaraneenaa in Dhamaan magacyada culimadi kaso qeybgashay aan lagu wada xusi karin Qormo kaliya balse aan xusmo iyo qadarin aan lasoo koobi karin aan uheeno, dhamaanteena Alle ha inagu siiyo Ajir iyo danbi dhaaf, Xuska Owliyada Alle.

Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Magaalada Muqdisho oo idin leh Sanadkaan Kiisa Xige Eebe Hanagu Gaarsiiyo Samo iyo Siyaado Kheyr Qabta.





 
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip