Iyadoo haatan ay ka soo wareegtay muddo 4 Afar bilood ah intii ka warqabtay xaalada wiilkan oo aan in mudo ah soo waday warbixintiisa marba heer, Wiilkan oo ay si bareer ah Ciidamada AMISOM rasaas culus ugu fureen 15/8/2014 Maalin Jimco ah, oo ay Dagaal Culus la galayeen Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).
Wiilkan oo Lugtiisa Midig ku waayay rasaastaas ay AMISOM ku fureen isagoo Jiifa Meel Kabar ah oo qaadka lagu iibiyo agagaarka Suuqa wayn ee Madiina, ka dibna dadka xaafada ay gargaar u fidiyeen gaar ahaan Xabiibo Carabow oo iyada xil weyn iska saartay.
Wiilkan oo maray marxalado culus ayaa haatan ugu dambayn laga soo saaray Isbitaalka uu ku jiray, Waxaa jirta in qol gaar ah looga kireeyay xaafada ay ku nooshahay Gabadhi sida bini,aadanimada u xanaaneynaysay ayaa waxaa jirta in haatan ay la soo daristay xaalad Qatar ah, waayo wiilkan ayaa sida la ii shegay biraha uu ku Tukubayay ahaayeen kuwa xoogaa ka wayn (Size) ama ka dheer cabir ahaan ka dibna uu dhacay maalin isagoo Tukubaya. (Socda)
waxaa dhacday in Lugta Midix oo ah lugta kaliya ee u hartay Dhaawac aan wali aad u bogsan uu ka damqaday ka dibna ay barartay. wiilkan ayaa haatan dhaawacaasi la liita, waxaase ugu sii daran in wixii uu quudan oo noqday aanet meel saarneyn.
Arintan oo aan wax ka waydiiyay Xabiibo Carabow ayaa waxa ii sheegtay in iyada ay ka bixiso kirada guriga, Cuntadiisana ay u heli Karin sadexda waqti Daruufo jiro awgeed. Xabiibo ayaa ii sheegtay dadkii gacanta ka geeysan jiray kaalmada in ay waayahan arag oo ay kali ku noqtay sidaas darteed ay awoodi waysay xalinta caqabadahaasi addag iyadoo ay u sii dheeer tahay daawooyin ay siiso oo haatan go,ay oo ay xitaa deyn fara badan ugu oo lagu leeyahay.
Xabiibo ayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, Jaaliyadaha Soomaalieed ee ku dhaqan Aduuunwaynah, Hay,addaha Samafalka, Mu,asasooyinka sida MAAMO CAASHO FOUNDATION, ka codsatay in ay gargaar la soo gaaraan oo ay illaahay dartiis u soo caawiyaan. si loo badbaadiyo nolosha wiilkan aan ehelka haysan
HADABA KALA XIRIIR XABIIBO MAXAMED MAXAMUUD. +252615502076 SI AAD WAX BADAN UGU OGAATO XAALADA WIILKAN.
Wiil ay dhaawaceen ciidamada AMISOM oo xaaladiisa caafimaad khatar ku jirto xilli isbitaalka laga saaray
Iyadoo haatan ay ka soo wareegtay muddo 4 Afar bilood ah intii ka warqabtay xaalada wiilkan oo aan in mudo ah soo waday warbixintiisa marba heer, Wiilkan oo ay si bareer ah Ciidamada AMISOM rasaas culus ugu fureen 15/8/2014 Maalin Jimco ah, oo ay Dag