Wasiir Goodax: "Jawaari ayaa mas'uul ka ah buuqii Baarlamaanka ka dhacay ee laba jeer lagu hor istaagay mooshinka 140-ka Xildhibaan"

0
Wednesday November 19, 2014 - 10:28:49 in Wararka by
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax: "Jawaari ayaa mas'uul ka ah buuqii Baarlamaanka ka dhacay ee laba jeer lagu hor istaagay mooshinka 140-ka Xildhibaan"

    C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay isaga la tahay guddoonka Baarlamaanka inuu howshiisa gabay, isagoona sheegay inuu kahor tegi karay buuqa ay sameeyeen sida uu sheegay Xildhibaano tiro yar, kuwaasi oo ku guuleystay inay joojiyaan mooshinkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay isaga la tahay guddoonka Baarlamaanka inuu howshiisa gabay, isagoona sheegay inuu kahor tegi karay buuqa ay sameeyeen sida uu sheegay Xildhibaano tiro yar, kuwaasi oo ku guuleystay inay joojiyaan mooshinkaas.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo ku sugan dalka Denmark magaaladiisa Copenhagen ayaa ka hadlay buuqii dhowaan ka dhacay golaha Baarlamaanka oo muddo laba jeer ah ku guul darreystay in cod loo qaado mooshin lagu ridayo xukuumadda Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh.

"Baarlamaanka inuu howshiisa gudan waayo waxaa mas'uul ka ah Guddoomiyaha" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay dhinaca kale in xildhibaano tiradoodu gaareyso 140-Mudane ay keeneen mooshin kalsoonida loogala laabanayo xukuumada Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale hadalka Wasiirka arrimaha gudaha ayuu ku weeraray Guddoonka Baarlamaanka inuu gudan waayay howshiisa, isagoona dusha ka saaray in wixii ka dhacay Baarlamaanka labadii goor ee ahaa fowdada iyo buuqa laga qaadi waayay codeynta mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip