Tartan Isboorti oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar + Sawirro

0
Sunday November 23, 2014 - 21:45:02 in Wararka by
  • Visits: 2682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Isboorti oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar + Sawirro

    Waxaa Maalmahii la soo dhaafey Degmada Jowhar ka socdey Tartan Kubadda Cagta oo aad u Xiisa Badnaa kaasoo ay ka qayb galeen Afar Kooxood ee kala ah Buulo Shiikh, Kulmis, Hantiwadaag iyo Horseed oo dhamaantood ka dhsan Degmada Jowhar ee Gobolka Shabee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalmahii la soo dhaafey Degmada Jowhar ka socdey Tartan Kubadda Cagta oo aad u Xiisa Badnaa kaasoo ay ka qayb galeen Afar Kooxood ee kala ah Buulo Shiikh, Kulmis, Hantiwadaag iyo Horseed oo dhamaantood ka dhsan Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, Tartanka oo loogu Magacdarey Midnimo waxaa ka soo qayb galayey dadweyne aad aad u fara badan.
Gabagabadi Tartanka Waxaa goobta yimid Mas,uuliyiin ka socota maamulka Degmada Jowhar ee Shaeelada Dhexe, Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Degamada Jowhar, Maamulka Cayaaraha heer Gobol iyo Heer degmo, Cayaartooydii ka qaybgashey Tartanka, taageerayaal aad u fara badaan iyo Marti Sharaf kale.

Labada Kooxood ee isugu soo harey Tartanka loogu Magacdarey Midnino oo kala ahaa Buulo Sheekh iyo Kulmis ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar la jecleystay oo soo jiidatay indhaha ka soo qeyb galayaasha daawanayey ciyaarta kuwaas oo kala taageerayey Labada Kooxood waxay isku qaadey Labada Kooxood weerar iyo weerar Celis, waxaana dhacay in labada Kooxood ay dhowr jeer sigeen Goolka midba midka kale .

Labad Kooxood ayaa waqtigii loogu tala galey waxay Ciyaartoodii ku soo idlaadey 0-0 , waxaana sida uu sharciga uu qabo loo dhigey Rigoorayaal 4-3 Guusha ku raacdey Kooxda Kulmis, Guushaa ay gaartey Kooxda Kulmis ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyey Taageerayaasha Kooxda Kulmis oo Garoonka ka dhigey Dabaaldegyo iyo Fantasyo iyadoo Kaalinta Sadexaad ee Tartankaas ay ku Guuleysatey Kooxda Hantiwadaag ka dib markii ay maqnaatey Kooxda Horseed.

Xafladii lagu soo Gunaanadayey Tartankaas waxaa hadalo kooban jeediyey Gudoomiyaha Degmada Jowhar Maxamed Amiin Caqiil waxaana uu amaan u soo jeediyey ciyaaryahanada labada kooxood ee isugu soo harey Tartanka iyo Dhamaan Kooxihii ka qayb galey Tartanka sidoo kale waxaa uu u mahadceliyey Dhamaan dadkii soo qabanqaabiyey Tartanka oo uu sheegey in ay qabteen Howl muhiim ah oo ka qayb qaadaneysa Isdhexgalka iyo Nabadeynta Bulshada.

Sidoo kale waxaa Xafladii lagu soo gabagabeeyey Tartankaas ka Hadley Gudoomiyaha Ciyaaraha ee Degmada Jowhar Ismaaciil Xasan Cali oo markiiba u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Qabashada Tartanka Midnimo wuxuuna soo jeediyey in la kordhiyo Tarmadan Noocaan oo kale kuwaa uu sheegey in ay ka qaybqaadanayaan Nabada iyo Dib u heshiisiinta waxaa Koobkii la gudoonsiiyey Kooxda Kulmis iyadoo sidoo kale Halkaas laga bixiyo Bilado , Shahaadooyin iyo Abaalmarino.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip