Wasiir Dhuxulow "Hay'adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan"

0
Monday December 15, 2014 - 08:01:18 in Wararka by
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Dhuxulow "Hay'adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan"

    Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa soo gaaray Kuwait si uu uga qeybgalo shirka caalamiga ee doorka Hay'adaha Gar-gaarka. Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa soo gaaray Kuwait si uu uga qeybgalo shirka caalamiga ee doorka Hay'adaha Gar-gaarka. Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiirka Kuwait Dr Abdalla Matouq Al Matouq iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Safiir Abdulkadir Amin Sheikh.
Wasiirka oo Isniinta 15ka December 2014 ka qeybgalaya Shirka Caalamka ee Doorka Hay’adaha Gargaarka ayaa yiri "Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan.” Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ugu waaweyn sidii hay’adaha gar-gaarka caalamka ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii gar-gaarka uu u noqon lahaa mid bedela nolosha bani’aadamka, si aysan u soo noqnoqon arrimaha abaaraha joogtada ah.
Arrimaha kale ee diirada lagu saarayo shirka ayaa ah doorka dumarka looga qeybgalinayo mashaariicda gar-gaarka bacdamaa ay hooyooyinka muhiim u yihiin isku xirka bulshada.

Wasiirka ayaa yiri "Soomaaliya waxey tusaale u noqon kartaa caalamka bacdamaa dumarka ay kaalin weyn ka qaataan ganacsiga Soomaaliya, iyo hay’adaha gar-gaarka. Waxaan hubaa haddii dumarka Soomaaliyeed fursad la siiyo inay door weyn ka qaadan karaan sidii dumarka caalamka loogu dhiiri gelin lahaa inay door wanaagsan ka qaataan horumarka bulshada.”

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip