Munaasabadi Ugu horeesay ee Dabaal Dega Xuska Dhalashada Nabiga oo lagu qabtay Nairobi (Sawiro)

0
Thursday December 25, 2014 - 04:17:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2376
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Munaasabadi Ugu horeesay ee Dabaal Dega Xuska Dhalashada Nabiga oo lagu qabtay Nairobi (Sawiro)

    Waxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta lagu qabtay Munaasabadi ugu horeesay ee lagu weyneenayo dhalashada maalinta uu dhashay Suubanaheeni Maxamed (NNKH), iyadoo munaasabadaani ee kasoo qeybgaleen culumaa'udiin, aqoonyahano, siyaasiyiin iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta lagu qabtay Munaasabadi ugu horeesay ee lagu weyneenayo dhalashada maalinta uu dhashay Suubanaheeni Maxamed (NNKH), iyadoo munaasabadaani ee kasoo qeybgaleen culumaa'udiin, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo guud ahaan qeybaha kala gedisan ee buslhada muslimiinta ee kunool magaalada Nairobi.

Culumaa'udiinka Ahlusunah Waljamaac ee kunool magaalada Nairobi ayaa sanad walba xiligaan oo kale waxa ee dhigaan munaasabad lagu daah furaayo ixifitaalo is daba joog ah oo lagu weyneenayo maalinta uu dhashay Rasuulka Maxamed (NNKH).

Waxa kamid ahaa culimadi qudbadaha kasoo jeediyay Fadiilatu Shariif Cabdulaahi imaamka masjidka 12th street iyo Sheekh Cabdullaahi Cali Aadan oo ku hadlayay magaca gudiga qaban qaabiyayasha munaasabada xuska dhalashada Nabigeena Maxamed (NNKH).

Guud ahaan bahda Shabakada Warsheekh oo isku duuban waxey idin leedahay Hambalyo dhalashada Bisha Mowliid, Alle hanaga siiyo Ajir iyo Xasanaad aan lasoo koobi karin .

Daar daarankeena waa ku salinta Xabiibka (SCW).

Warsheekh Nairobi

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip