Xuska Nabiga CSW OO Si Cajiib leh looga dhigay Mowlaca Reer Sh Cabdi Ee Kaaraan

0
Thursday January 08, 2015 - 23:26:29 in Wararka by Cali Sheekh Axmed
  • Visits: 2898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xuska Nabiga CSW OO Si Cajiib leh looga dhigay Mowlaca Reer Sh Cabdi Ee Kaaraan

    Bisha Barakeysan Ee Aynu Kujirno oo Lagu Magacaabo Rabiicul Awal ayaa waxa ay Somalida u taqaanaa Bisha Mowliidka taasoo ku beegan Xilliga Uu Xabiibkeena Muxamed CSW Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisha Barakeysan Ee Aynu Kujirno oo Lagu Magacaabo Rabiicul Awal ayaa waxa ay Somalida u taqaanaa Bisha Mowliidka taasoo ku beegan Xilliga Uu Xabiibkeena Muxamed CSW Dhashay.

Umadaha Islaamka ah ee kunool Koonkaan ayaa waxa ay bishaan oo kale sameeyaan soo dhaweyn lagu soo dhaweynayo xilliga uu Xabiibka CSW Adduunka Usoo Daahiray Kuwaasoo sameynaya fantasiyo kala duwan oo lagu Marxabeynayo Rasuulka Suuban CSW.

Qaasatan Somalida Inta Iimaankooda Saliimka yahay waxa ay bishaan u tahay calaamad kamid ah Calaamooyinka Ilaahey Diintiisa Lagu Garto Taasoo Ay Kasoo qaateen Naska Qur'aanka Kariimka Ah.

Xafladooyin kala duwan ayaa lagu soo bandhigaa bishaan barakeysan dhaxdeeda kuwaasoo lagu kala qabanayo Masaajidyo, Mowlacyo, Xaafado, Dugsiyo, Hotelo IWM.

Mowlaca Reer Sh Cabdi Celi Ee Saldhigiisu Yahay Degmada Kaaraan ayaa waxaa aalaaba bishaan oo kale lagu qabtaa Xaflad kamid ah xafladooyinka  lagu soo dhaweynayo Mowlidka Rasuulka CSW.

Bilaawga Bisha Ilaa 12-ka ayaa waxaa laga sheekeeyaa Siirada Macaanta Badan ee Xabiibkeena Muxamed CSW iyo Mucjisaadkii cajiibka lahaay ee Alle Ku Koryeelay Xabiibkeena Suuban CSW Magiciisa Iyo Darajadiisaba.

Waxaa Kaloo Lagu soo bandhigaa Nabi Amaano Cajiib leh oo kala duwan kuwaasoo soo jiita quluubta Mucaashiqiinta Xabiibka Suuban CSW Ayagoo  kumacaansaya Amaantiisa CSW.

Maalinimadii shalay ayaa halkaasi lagu soo qatimay mowlidka soo soconaayey Bilaawga bisha waxaana kasoo qeybgalay culamaa'udiin farabada Sida Shariif Iskuduub,  Shariif Axmed Shariif Abba Nuur oo labadaba hogaaminayaan Ahlubeytka Rasuulka CSW , Sxbul Sajaadaha Dariiqada Qaadiriyada Sh Axmed Sh Uweys iyo Culamaaudiin kale oo farabadan.

Culamada kasoo qeybgashay Xaflada Lagu weyneynayo Rasuulka CSW ayaa dadweynaha fara in Allaa kacabsi lala yimaado dariiqa Rasuulkana La qaado Si Loogu Daydo Islamarkaan Xabiibka CSW la jeclaado si aakhiro Micigiisa loo dhaqdo oo shidada maalinkaas jirta looga bad-baado.

Gaba gabadii ayaa waxaa halkaas looga duceeyey dalkeena Somali oo ay dhibaatada kuhabsatay waxaana Alle looga baryey in bishaan barakeysan awgeed dhibaatada kaga qaado Xasiloonina Usoo dajiyo.

Ugu Dambeyn Hadaanu nahay Bahda Shabakada Warsheekh qeybteeda Muqdisho waxaa idiin leenahay Kullu Caam Wa Antum Bikheyr Ciid wanaagsan Allaah naga dhigo kuwo marwalba qalbigooda kujira Xabiibka CSW.

Qoraa 

Axmed Sh Abuukar 

 Sawirqaade

Maxamuud Sh Axmed

Halkaan Hoose Kadaawo Sawirada Dhan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip