M. GHEDI: "Hala dhiso wadada lagu dhiban yahay waa dhawaaq wanaagsan, laakiin ma laga dhabeyn doonaa?!!"

0
Sunday January 25, 2015 - 00:01:48 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. GHEDI: "Hala dhiso wadada lagu dhiban yahay waa dhawaaq wanaagsan, laakiin ma laga dhabeyn doonaa?!!"

    Waxaan ku jiraa sano lixdamaad (60s), cimrigaas aan jiro, cirada aan leeyahay, marka laga reebo markey Somaliya ka xurowday gumeysigii , gumeysan jiray 1-dii, Luuliyo, sanadkii 1960-kii, ma aanan maqal dhawaaq iiga farxad badan, hala dhiso wadada aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku jiraa sano lixdamaad (60s), cimrigaas aan jiro, cirada aan leeyahay, marka laga reebo markey Somaliya ka xurowday gumeysigii , gumeysan jiray 1-dii, Luuliyo, sanadkii 1960-kii, ma aanan maqal dhawaaq iiga farxad badan, hala dhiso wadada aadka loogu dhiban yahay ee isku xirtay Xamar iyo dhammaan goballada dhexe, gaar ahaan Xamar iyo Xarardheere.
Ha yeeshee, shaki weyn ayaa igu beermay ( strong skepticism), markii leygu wargeliyey in howl-wadeenada mashruucaan magaciisu uu yahay ( dhisa wadada) ay ku jiraan shaqsiyaad ku caan baxay u lunsashada xoolaha loogu talagalo danta guud, iyadoo shaqsiyaadkaas loo yaqaan ma dhargayaal aananna ka daalin dafaq-siga xoolaha danta guud loo aruuriyo, balse waxaa leygugu beer-qaboojiyay inay howl wadeenada mashruucaan (DH. W) ay u badan yihiin shaqsiyaad nadiif ah oo aanan ceebo hore lahayn.

Arrintu si kasta ha ahaatee, cid kasta ee tiraah waxbaan ka qabanayaa, amba aan wax ka qabano dhibaatada faca-weyn, ee ah Wado xumidaan soo jireenka ah, iyadoo ay wadadaas ku safraan baabuurta waaweyn ee ciidamada sida (TM & LG), iyo kuwa loo yaqaan ( 4-W drive) oo kaliya, ayaa misana meelo 3-dax saacadood loo socdo, waxay baabuurtaas u socdon 30-don saacadood iyo ka badan, bal qiyaas dhibka ay la kulmaan shacabka dega Xamar ilaa goballada dhexe marka ay soo food saaraan arrimo deg deg ah sida haweeney foolatay ee dhaliweysay, qoysas-sumoobay, dhaawacyo cul-culus iwm.

Waxay ila tahay, inta ay jirto dhibaatadaan wado-xumida ah ee aadka u xanuunka badan, cid kasta ee tiraah waxbaan ka qabanayaa wado-xumida, ciddey doonto ha ahaadee Cad, Madow, Muslim iyo Kerishtaan ( White, Black, Muslim or Christian) waa in si taxadar ku jiro loo soo dhoweeyaa, maadaama uu mashruucani yahay samafal.


Mashruucaan haddii uu hirgalo 100%, amba wax uun ka hirgalaan mahad celinteeda waxaa iska leh Allaha weyn ee sameystay koon-kaan aan ku nool-nahay, ammaanteedana waxaa iska leh madaxweynaha Jamhuuriyada FS mudane Hassan Sheikh Mohamoud oo ku baaqay in la dhiso wadadaas, sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed, culumaa'udiinka, aqoonyahanada Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed, dhalinyarada Soomaalieed, qurba-joogta Somaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada laga isticmaalo wadadaan xun iyo dhammaan duubabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan duubabka Mudulood, sida ku-simaha Imaamka Beelweynta-Mudulood mudane Mohamed Yusuf iyo Ugaas Mohamoud Ali Ugaas Abdulle oo ah Ugaas aad u fir-fircoon.

Waxaa iyaguna ammaan laba (2) jibaaran mutaystay jaaliyada mudulood ee ku dhaqan wadamada leysku yiraah ( Scandinavian Countries) sida Sweden, Norway, Denmark iyo Holland, iyagoo mar uu dhowaan wadamadaas booqasho ku tagay Ugaas Mohamoud Ali Ugaas Abdulle u balan-qaaday dhaqaale fara badan oo ay uga qeyb-qaadanaayaan dhismaha wadadaas lagu dhiban yahay.

Waxaa iyaguna ammaan mudan Websidyada soo bandhiga muhiimada uu leeyahay Mashruucaan la yiraahdo dhisa Wadada, websidyadaas waxaa ka mid ah:- www. shaaciye.com, somaliweyn.com, soomaalidamaanta.com warbahinta.com warsheekh.com caliyaale.com radiomaanta.com iyo qaar kale.

Hala dhiso wadada aadka loogu dhiban yahay waa dhawaaq aad u wanaagsan, laakiin ma laga dhabeyn doonaa, mise waa leyska dhahayay ???. Dhisa, dhisa, dhisa wadada dhibku ha yaraadee.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadishu, Somaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip