Madaxweynaha oo dhambaal tacsi ah direy

0
Sunday February 01, 2015 - 11:49:52 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo dhambaal tacsi ah direy

    1 February, 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa halgamaa taariikhda Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1 February, 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galey.
''Innaa Lillahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Aad ban uga naxay geerida marxuum Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatey halganka gobanimadoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayey in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan''.

Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare , oo saaka ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hawlihii u ku caanka ahaa waxaa ka mid ah suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed iyo weliba nabadeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip