Gacan Qabashada Itoobiya ee Soomaaliya iyo Shacabka DDSI oo Ka Cadhooday Magacaabida Mici Ku Dhiigle Guleed Xuseen Qaasim.

0
Sunday February 08, 2015 - 04:05:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan Qabashada Itoobiya ee Soomaaliya iyo Shacabka DDSI oo Ka Cadhooday Magacaabida Mici Ku Dhiigle Guleed Xuseen Qaasim.

    waxaynu wada ogsoonahay indawlada federaalka itoobiyaay guntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay sumacadii iyo sharaftii dawlada soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkii ay kaga jirtay dunida islamarkaana u hurtay naf iyo maalba midha-dhalkeedii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaynu wada ogsoonahay indawlada federaalka itoobiyaay guntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay sumacadii iyo sharaftii dawlada soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkii ay kaga jirtay dunida islamarkaana u hurtay naf iyo maalba midha-dhalkeediina yahay in maanta soomaaliya ay yeelatay dawlad ay dhamaan hay'adihii u dhamaystiran yihiin taasoo uu hogaamiyo madaxwayne xasan sheekh oo xidhiidh iyo iskaashi wanaagsani ka dhaxeeyo Dawlada federalka itoobiya taasoo meesha ka saartay colaadii iyo kala qoqobnaantii cadaawadeed ee ka dhaxaysay soomaaliya iyo itoobiya xiliyadii dawladihii hore ee labada dal.
Dawlada Federalka itoobiya oo ay Ciidamada Geesiyiinta DDSI Liyuupolice ayaa ciidamo u dirtay soomaaliyaa dagaalo ay ku nafwaayeen boqolaal askarta ciidanka itoobiya la galeen xiligii maxaakiimta laga xoreeyay somaliya iyo wakhti xaadirkan alshabaab inta badan fadhiisimihii Al-Qushaash lagaga qabsaday walina ay hawlgaladaas ku sii jiraan ciidanka Qaranka itoobiya,waxana xusuus mudan in Ciidanka Geesiyada Liyuupolice ay lugta mariyeen fadhiisimo ciidanka Alqushaash ku lahaayeen Gobolada Bay iyo Bakool islamrkaana calankii soomaaliya ka taageen kuwaasoo ilaa ay taako ka mida dhulka soomaaliya ay Argagaxisada Al-Qushaash gacantooda ku jirto laga xorayna aanan dib ciidamada itoobiya uga soo noqonayn hawlgalada ciidamada itoobiyana waxaa aad u soo dhaweeyay shacabweynaha soomaaliya iyo dawlada soomaaliyana taasoo sii xoogaysay iskaashigii iyo xidhiidhkii wanagsanaa ee labada Dal.Xukuumada maanta haysa talada Deegaanka soomaalida itoobiya ayaa xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi ka dhexeeyaa dawlada Soomaaliya iyo madaxwayne mudane xasan sheekh shirar iyo booqasho dhexmaray sida afhayeenka baarlamaanka soomaaliya mudane Jawaari iyo waftigiisii,wasiiro iyo baarlamaan.

Inkastoo xidhiidh aad u wanaagsan ka dhaxeeyo labada dal hadana Waxaa iyana maalmahan danbe soo baxaysa in shacabka Deegaanka Soomaalida |Itoobiya ay aad uga cadhoodeen in ay dawlada somaaliya ee walaalahood ah sanooyinka badana dadkii soomaaliya ka soo qaxay colaadii si wanaagsan u marti galiyay in ay ka dhex arkaan Golaha wasiirada Cusub ee uu Raysalwasaare mudaneCumar C/rashiid Cali Sharmaarke soo magacaabay dhawaan Gacan ku Dhiigle,Mici Dhiigle Guuleed Xuseen Qaasim oo ahaa ninkii xasuuqay in ka badan10,000 oo shacabka DDSI ah taasoo dib u soo cusboonaysiisay sida ay noo sheegtay gabadh aabaheed ka mid ahaa dadkii uu xasuuqay ninka miciyaha dhiiga ku leh ee kor ku xusan.

Aabe xaaji cali cilmi oo wiilkiisii ka mid ahaa dadkii uu uusxabaalay gacan ku dhiigle Guuleed Xuseen Qaashim ayaa sheegay in mudane Raysalwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke yahay nin aqoonyahan ah aadna gayiga soomaalida looga jecel yahay isaga iyo alle ha u naxariistee aabihii C/rashiid Cali Sharmaarke oo sumcad iyo aad u wayn loo hayo lagu dhex arko golihiisa wasiirada mici kudhiigle Guleed xaashi oo aad looga wada dheregsan yahay in uu waligii ahaa Nabad-diidka ugu wayn ee gumaaday maatida iyo dhalinyarada deegaanka soomaalida itoobiya.

Aabe xaaji Cilmi ayaa intaa ku daray anigu waxaan ka filayay Raysalwasaare mudane Cumar C/rashiid cali sharmaanke maadaama uu yahay aqoonyahan sumcad ku leh soomaalida in uu nagala qaybqaadan lahaa baroordiiqda iyo sida dakayagii u uusxabaaleen UBBO oo uu ka mid yahay shiftaygan la hoos galiyay anigoona filaya in uunan raysalwasaaruhu aqoon buuxda u lahay waxaanan ka codsan lahaa mudane C/rashiid Cali Sharmaarke in uu nagala qaybqaato sidii uu sharciga u hor keeni lahaa Gacan kudhiigle Guuleed Xaashi oo ah shakhsi lagu anqariyay Argagaxiso iyo xagjir nabadiid oo aan abidkii daahirayn.

Mici-dhiigle Guuleed Xuseen Qaasim ayaa ka mid ah Qoyska reer Sheekh Qaasim oo lagu anqariyay UBBO-nimo hormuudna u tahay islaanta xumaanta laasintay ee lagu sheeg sheego macageeda Fowsiya C/qaadir sheekh Qaasim oo laga yaqaano UBBOnimadeeda Deegaanka. Ciidamada Dawlada itoobiya ka jooga soomaaliya ayaa ay ku jiraan saraakiil iyo askar badan oo soomaali ah kuwaasoo aqoon dheer u leh gaboodfaladii iyo xasuuqii uu Guleed kula kacay shacabka deegaanka kuna nafwaayeen 10000 oo qof.

Dhanka kale maadaama uu xidhiidh iyo wada shaqayn aad u sii korayay sanadihii danbe ka dhexeeyay itoobiya iyo soomaaliya waxaan la saadaalin karin sida uu noqon doono ninkan lagu magacaabay Wasiirka iyo isgaadhsiinta Dawlada soomaaliya oo halbawle u ah xidhiidhada caalamiga ah maadaama uu booskani yahay afkii dawlada soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip