Xulka Ivory Coast oo Xalay ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika (Sawirro)

0
Monday February 09, 2015 - 00:57:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Ivory Coast oo Xalay ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika (Sawirro)

    Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa xalay ku guulaystay koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka, kaddib markii ay rigoorayaal uga badiyeen xulka waddanka Ghana oo ay isku arkeen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa xalay ku guulaystay koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka, kaddib markii ay rigoorayaal uga badiyeen xulka waddanka Ghana oo ay isku arkeen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobkan.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay weerar iyo weerar celis, iyadoo 90-kii daqiiqo ee loogu talo-galay kusoo gaba-gabowday 0-0, waxaana lagu daray waqti dheeaad ah oo 30-daqiiqo ahaa, waxayna ku dhamaatay 0-0.



Intaa kaddib waxaa labada xul loo dhigay rigoogayaal ama gool ku laadyo si ay u kala baxaan, waxaana koox walba ay tuuratay min 11 gool-ku-laad, iyadoo xulka Ivory Coast uu dhaliyay 9-gool, labana ay ka khasaartay, halka xulka Ghana ay dhaliyeen 8-gool saddexna ay ka khasaartay.

Gool-ku-laadka ay ku guuleysatay xulka Ivory Cost waxaa u dhaliyay gool-hayahooda, kaddib markii uu kubadda ka qabtay gool-hayihii kooxdii ay wada ciyaarayeen ee Ghana, taasoo u suuro-gelisay Ivory Coast in xulka Ivory Coast ay guushu ku raacdo halkaas.

Xulka Ivory Coast ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa xalay badbaadiyay gool-hayahooda oo qabtay lab aka mid ah gool-ku-laadyadii ay tuurteen qaar ka mid ah ciyaaryahannada xulka Ghana.

Ciyaartoydii xulka Ghana ayaa markii laga guuleystay billaabay inay gabi ahaantooda ilmeeyaan, halka kuwii Ivory Coast ay farxad la bood-boodeen gudaha garoonkii ciyaartu ka dhacaysay.

Kooxda kubadda cagta Ivory Coast ayaa sidan oo kale rigoorayaal kaga badiyay kooxda Chana ciyaartii finalka ahayd ee Koobka Qaramada Afrika ee sannadkii 1992-kii, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo xulka Ghana lagu quusiyo rigoorayaal.

Si kastaba ha ahaatee, xulka Ivory Cost oo ay xalay u ciyaarayeen labada ciyaartoy ee walaalaha ah Yaye Toure iyo Kole Toure ayaa si rasmi ah u noqday horyaalka Qaaradda Afrika ee sannadkan iyo kan xiga.










Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip