Soo Dhaweynti Ismaaciil Cumar Geele iyo Wixi laga bartay !!. (Sawiro)

0
Saturday February 21, 2015 - 14:56:22 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Dhaweynti Ismaaciil Cumar Geele iyo Wixi laga bartay !!. (Sawiro)

    21 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana u bilowdey socdaal rasmi ah oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

21 Febraayo 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana u bilowdey socdaal rasmi ah oo u dalka ku yimid.
Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Taliyeyaasha Ciidammada, Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, Taliyeyaasha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

"Waa maalin taariikhi ah in mar kale walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isaga iyo wafdigiisa. Abaalka ay inoo galeen walaalaheena Djibouti ma ilaabi doonno, waayo waxay ina soo garab qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata inaaney weli dadaalkaasi iyo taageeradaasi ka daalin.Naf iyo maal ayay inoo hureen, waxayna safka hore kaga jiraan dagaalka aanu dooneyno inan cadowga nabadda ka soo horjeeda ku ciribtirno. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel’’.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa tacsi u direy ummadda Soomaaliyeed weerarkii arxandarrada ahaa ee shaley kooxaha nabadda diiddan ku laayeen dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

"Waan idin la qeybsanayaa dhibaatada shaley dhacdey, laakiin waxaan kooxaha falalkaasi Islaamka ka baxsan ku dhaqaaqaya u sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaaraan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horeyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaaraan Ilaahay idankii’’.

Madaxweynaha Djibouti ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Djibouti, Abuubakar Cumar Xaddi, La Taliyaha Madaxweynaha Djibouti Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.

Inta ay dalka joogaan wafdiga waxay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas'uuliyiin kale.

DHAMMAAD
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip