Siyaaradi Sheekhi Caarifka ahaa Sheekh Muxyadiin Celli oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho. (Sawiro).

0
Sunday March 22, 2015 - 13:20:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekhi Caarifka ahaa Sheekh Muxyadiin Celli oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho. (Sawiro).

    Siyaaradi Sheekhi Caarifka, Caalimka ahaa ee Sida weyn dadka Soomaaliyeed uyaqiineen Sheekh Muxyadiin Celli ayaa waxa qur'aan aqriska siyaaradiisa ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradi Sheekhi Caarifka, Caalimka ahaa ee Sida weyn dadka Soomaaliyeed uyaqiineen Sheekh Muxyadiin Celli ayaa waxa qur'aan aqriska siyaaradiisa ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Siyaarada sheekha oo kamid ah, siyaarooyinka ugu waa weyn ee Culuma'udiinka Ahlu Dariiqo ee isugu yimaadaan eena kusoo bandhigaan, ayaa waxey si habsami leh uga socotaa Xarunta Sheekha ee degmada Kaaraan xaafada Sanca.

Hadaba maalinimadi Shalay oo aheed Maalin Sabti ah isla markaana aheed maalinti labaad ee Siyaarada Sheekh Muxyadiin Celi aya waxa halkaasi gaaray Jameecada Reer Sheekh C-raxman Celli oo uu hogaaminayo Sheekh Daa,uud Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman (Celli).

Jameecadaani mugga iyo miisaanka culus ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay , Jameecada reer Sheekh Muxyadiin Celli oo uu hogaaminayay Qudubka reer Sheekh Muxyadiin Celi, Dr: Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celli.

Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo kamid ah culuma'udiinka Soomaaliyeed kuwooda isku dartay cilmiga Diniga iyo Maadig ayaa si farxad iyo maxaba kujirta usoo dhaweeyay Jameecada reer Sheekh C-raxman Sheekh Cumar, Alwarsheekhi, isagoo sidoo kale halkaasi ka jeediyay Muxaadaro kooban oo ruxday qalbiyadi mucaashaqiinta Owliyada Alle e xaadirka ahaa maalintaani.

Sidoo kale kulanka ayaa waxa qadka telfoonka uuga qeybgalay Qudubka Reer Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar, Sheekh Qaasim Sh: C/raxman oo kusugnaa Degmada Warsheekh ayaa isagana dhankiisa ku dheeraaday ka sheekeenta sooyaalka quruxda badnaa ee Sheekh Muxyadiin Celli iyo sida uu kaalinta muuqata uga soo qaatay fidinta diinta islaamka, iyadoo ugu dambeentina Sheekh Qaasim halkaa ugu duceeyay dhamaan jameecooyinka Ahlu Dariiqo, gaar ahaan reer Sheekh Muxyadiin isagoo alle Ugu baryay inuu la garab galo howlaha Siyaarada..

Jameecada reer Sheekh Cabdiraxman ayaa sidoo kale oogtay Xilqo Dikri Seyliciyada ah oo uu hogaaminaayay Naa'bka Dikriga ee reer Sheekh Cabdiraxman, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman.

Dikrigaani oo macaan iyo jadbo gaar ah lahaa ayaa waxa uu taabtay quluubta dadki xaadirka ahaa maalinti shalay iyadoo sidoo kale halkaasi loogu duceeyay Culuma'udiinka Ahlusunah gaar ahaan cuimadi sida gaarka ah looga soo gaaray curinta dikrigaan macaanta iyo tusaaleenta badan.

Gabagabadi Dikriga ayaa waxa halkaasi Faataxo loogu aqriyay dhamaan umada Soomaaliyeed in qalbiyadooda Alle isu soo dumo, nabada iyo kala dambenta baryahaan soo badaneesana Alle usii xoojiyo.

Waa Bahda Shabakada Warsheekh xafiiskeeda Muqdisho oo idin leh Siyaaradaan teeda kale Allaah nagu gaarsiiyo .

W/D, Maxamuud Sheekh Axmed Yare
Warsheekh Muqdisho.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip