Siyaaradi Sh: Muxyadiin Celli oo lagu soo qatimay Mowlaca Sh: Cali Cabdulle (Daawo Sawiro).

0
Tuesday March 24, 2015 - 23:05:45 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sh: Muxyadiin Celli oo lagu soo qatimay Mowlaca Sh: Cali Cabdulle (Daawo Sawiro).

    Banaanbax aad ubalaaran oo ee kasoo qeybgaleen culuma'udiinka Ahlusunah waljamaac gaar ahaan Jikooyinka ku abtirsada Sheekh Muxyadiin Celli ayaa lagu qabtay xarun diimeedka Sheekh Cali Cabdulle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbax aad ubalaaran oo ee kasoo qeybgaleen culuma'udiinka Ahlusunah waljamaac gaar ahaan Jikooyinka ku abtirsada Sheekh Muxyadiin Celli ayaa lagu qabtay xarun diimeedka Sheekh Cali Cabdulle.
Mudarasiin, Mucalimiin, iyo Qaa'idiinta Ahlu dariiqo ayaa si siman uga soo qeybgashay Munaasabad aad ubalaaran oo Qatin iyo gunaanad u aheed Ixtifaalo waa weyn oo ku aadan Siyaarada Sheekh Muxyadiin Celi ee lagu kala dhigay Daafaha Caalamka.

Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle oo ah Saaxibul Sijaadaha Jameecaadka Sheekh Cali Cabdulle ayaa ugu horeyn uga mahad celshay dhamaan dadki kasoo qeybgalay qatinka xuska siyaarada Sheekha Caanka ah ee Sheekh Muxyadiin Celli.

Allaah Unaxariiste Taariikhda Sheekh Muxyadiin Celli oo ah mid aan lagu soo koobi karin qorma qura ayaa hadana waxey ku xardhantahay qalbiyada shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ehelka u ah maxabada Owliyada Alle.

Allaah Unaxariiste Sheekh Muxyadiin Celli ayaa Culimadi ka aflaxday waxa kamid ahaa Sheekha Caanka ah ee Sheekh Cali Cabdulle, Sheekh Aadan Dheere, Sheekh Cali Muumin, Sheekh Maxamed Faarax iyo Culimo kale oo aad ufara badan kuwaasi oo dhamaantooda magac iyo maamuus kudhax leh bulshada Soomaaliyeed iyo caalimu Islaamka.

Hadaba halkaan hoose kadaawo Sawirada Banaanbaxa Siyaaradi Sheekh Muxyadiin Celli

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip