Banaan baxyadan ayaa lagu muujinayaa taageerada loo haayo in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, kaasoo ka dhacaya qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa sheegay in banaan baxa uu yahay mid ay ku muujinayaan dareekooda ku aadan go'aanka Baarlamaanka ee ku ansixiyay ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Dhagaxtuur ayaa ka codsaday dadweynaha Magaalada Muqdisho inay isugu soo baxaan wadooyinka Magaalada si ay muujiyaan taageeradooda ku aadan in shareecada islaamka lagu dhaqo dalka Soomaaliya.
Inta badan goobaha waxbarashada ayaa saaka lagu wargeliyay inay ardayda u soo fasaxaan banaan baxa, si ay dareenkooda ku muujiyaan go'aanka Baarlamaanka.
Banaanbaxyo lagu muujinayo Taagerada loo hayo in dalka lagu dhaqo shareecada Islamka oo muqdishu ka dhacayo
Banaan baxyo lagu taageerayo Go’aankii baarlamaanka somaaliya oo ahaa ku dhaqanka shareecada islaamka ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacaan Magaalada Muqdisho,