Al-shabab oo Hanjabaad u Dirtay Kenya & Saraakisha Amaanka oo Su'allo la weeydiinayo

0
Saturday April 04, 2015 - 13:03:35 in Wararka by
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo Hanjabaad u Dirtay Kenya & Saraakisha Amaanka oo Su'allo la weeydiinayo

    Xili Dhawaan Weerar Qasaaro Badan Dhaliyay Dagaalamayaal ka Tirsan al-shabab ay Ku Qaadeen Jaamacad ku Taal Dalka Kenya ayaa Waxaa ay Saraakiisha Ciidamada Amaanka Kenya sheegeen in ay Xaqiijinayaan Amaanka Dalkaasi waxaa Warkasoo Saaray al-shabab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili Dhawaan Weerar Qasaaro Badan Dhaliyay Dagaalamayaal ka Tirsan al-shabab ay Ku Qaadeen Jaamacad ku Taal Dalka Kenya ayaa Waxaa ay Saraakiisha Ciidamada Amaanka Kenya sheegeen in ay Xaqiijinayaan Amaanka Dalkaasi waxaa Warkasoo Saaray al-shabab
War kooban oo kasoo baxay Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa dawlada Kenya loogu goodiyay in dalkaasi ay ku qaadi doonaan weeraro oo uu dhiig badan ku daato. 

Warkaan oo lagu baahiyay baraha Internet ee Al-Shabab ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan dalka Kenya isla markaana ay dad badan oo kale ay leyn doonaan inta ciidamada Kenya ciida Soomaaliya joogaan.

"Fariimaheena Kenya ku socda kuma qorna waraaqo eewaxay ku qorantahay dhiiga dadkiina Kenyanka magaalooyinka waa weyna dhiiga ayaa qul qulaya” ayaa lagu yiri warka ay Al-Shabab soo saareen.

"Ma jiri doonto magaalo meel ah gudaha Kenya oo dhiigiina ayaa qul quli doona” ayaa sidoo kale warkaan lagu yiri.

Weerarkii Khamiistii Al-Shabab ku qaadeen jaamacadda Gaarisa oo ay ku dileen 150 ruux waxaa uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Kenya muddo 17 sanno ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip