Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray

0
Friday April 17, 2015 - 14:24:29 in Wararka by
  • Visits: 1725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray

    Wafdigan oo uu hogaaminaayay wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Cabdiweli Ibrahim Sheekh Muudey ayaa maanta gaaray dalka Kuwait, waxaana wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait Safiirka Soomaaliya u fadh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigan oo uu hogaaminaayay wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Cabdiweli Ibrahim Sheekh Muudey ayaa maanta gaaray dalka Kuwait, waxaana wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Cabdulqaadir Amiin Sheikh, La Taliyaha Safaarada Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna wasiiru dowlaha Qorsheynta iyo Horumarinta, Marwo Hind Sabeeh Al-Sabeeh, madaxda ururka Shaqaalaha dalka Kuwait.
Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehliyaan mas’uuliyiin ka socotay ururada Shaqaalaha madaxa banaan ee dalka oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibrahim oo ah sii-hayaha Xoghayaha Guud ee Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Maxamed Cusmaan Xaaji oo ah Guddoomiyaha Isutagga shaqaalaha Soomaaliyeed (SCTU) oo ah labo urur shaqaale oo madax banaan.


Wasiirka ayaa inta uu jooga Dalka Kuwait waxa uu ka qeyb galayaa Shirweynaha Guud ee Ururada Shaqaalaha Carabta oo maalinta Berri ah ka furmi doono Magaalada Kuwait, waxa uuna shirkaas socon doona 18-25 Bishaan April 2015.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip