Dhageyso:-Xal laga gaaray Mooshinkii Madaxweyne Waare

0
Monday October 08, 2018 - 08:21:21 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Xal laga gaaray Mooshinkii Madaxweyne Waare

    Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano,kaasi oo ay uga hadleen Mooshinkii dhawaan laga gudbiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano,kaasi oo ay uga hadleen Mooshinkii dhawaan laga gudbiyay Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa waxa uu sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweyne Waare Xildhibaanada Hirshabeelle ay ka noqdeen.

Guddoomiye Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in mooshinkaas uu ahaa mid lagula xisaabtamayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,isla markaan ay ku canaanayeen.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaraya ilaa iyo 57 xildhibaan ayaa dhawaan Mooshin ka keenay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,kaasi oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen,balse xalay kulamo isdaba joog ah oo jowhar ka dhacay lagu laalay Mooshinkaasi.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip