Madaxweyne farmaajo oo Maanta gaaray Magaalada Marka

0
Sunday October 14, 2018 - 13:34:41 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne farmaajo oo Maanta gaaray Magaalada Marka

    Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa gaaray wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,iyadoo halkaasi si weyn loogu dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa gaaray wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,iyadoo halkaasi si weyn loogu dhaweeyay.

Ujeedka Madaxweyne farmaajo u gaaray Marka ayaa waxa ay sidii uu kulamo gaar gaar ah ula yeelan lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Marka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Sidoo kale Madaxweynaha uu waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe.

Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgalo ka wadaan qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose, iyagoo Dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaray Magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip