Dhageeyso:-C/Raxmaan Cumda''Idaacaddii Laga Maqlo Al-shabab Waa Xarig''+Baqdin ay Wariyayaashu Muujinayaan

0
Sunday May 03, 2015 - 16:34:30 in Wararka by
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageeyso:-C/Raxmaan Cumda''Idaacaddii Laga Maqlo Al-shabab Waa Xarig''+Baqdin ay Wariyayaashu Muujinayaan

    Xili Maanta oo ay Taariikhdu ku Beegan tahay 3(Sedaxda) Mey oo Dunidda oo Idil looga dabaal Dego Maalinta Saxaafadda Adduunka ayaa waxaa Magaalada Muqdisho Lagu Qabtay Munaasabad Loogu Dabaal Degaayo Maalintaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili Maanta oo ay Taariikhdu ku Beegan tahay 3(Sedaxda) Mey oo Dunidda oo Idil looga dabaal Dego Maalinta Saxaafadda Adduunka ayaa waxaa Magaalada Muqdisho Lagu Qabtay Munaasabad Loogu Dabaal Degaayo Maalintaasi Masuuliyiin ka Tiran Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Xuskaasi ka qeyb Galayay  Ayaa waxaa ay Warhaabinta soomaaliyeed usoo Jeediyeen Qodobo Dhowr ah oo Nin Waliba Masraxa lasoo istaagay

Taliyaha Ciidamadda Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaa Maxamed Tuuryare (Cumda) oo ka Mid ahaa Masuuliyiintii Munaasabadaasi Lagu casuumay ayaa waxaa uu warbaahinta Muqdisho ugu Goodiyay in ay Xabsiga Dhigi Doonan Ciddii Laga Maqlo Iyadoo Baahineeysa Magac al-shabab

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare Taliyaha Ciidamada Hay'adda Nabad iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Aaana Idaacadaha Muqdisho laga Baahin Karin Cod Al-shabab Ama'ba Magcooda Laga Baahin karin oo Magacii al-shabab loo Bedelay Ugus

Waxaa uu Warbaahinta Muqdisho ka Dalbaday in ay Macnaha Ereyga 'Ugus' Bulshada u Turxaan Bixiyaan kaasi oo loola Jeedo Ururka Gumaadka Ummad Soomaaliyeed

Qaar ka Mid ah Wariyayaasha ka Howlgalla Magaalada Muqdisho oo u Waramay Warsidaha www.warsheekh.com  Warqabadkiisa Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen Baaqa kasoo Baxay Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka in uu yahay mid Aan U Cuntameeynin   oo Nafsadooda Haatan Halis Lagu Sii Galinaay

Cabdifitaax Xasan Aadan (Dur-dur) Waxaa uu ka Mid yahay Wariyayaasha ka Howlgala Mid ka Mid ah Idaacadda Maxaligga ah ee Magaaladda Muqdisho Asigoo Warsheekh.com u Warmayay ayuu Yiri''

Taliyaha Nabad Sugidda Boqol Ciidan ayuu wattaa Radiomuqdisho Ninka Ka Howlgallana waa Nin u Bareeray taas Laakiin  Anigga Arinkaasi Iskuma Biimeeyn Karno Al-shabab Korkortan kuma Galinayaan Mana Ku wareeysanayaan Sheekadoodu Waa Dil''Sidaasi Waxaa Yiri Durdur

Bahda Saxaafadda Soomaaliya Ayaa Hadba waxaa ay la Kulmaan Cadaadis iyo Caga Jugleeyn Joogto ah Tan Muqdisha'ba ha U Badnaatee
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip