Xabsigga Dhexe Ee Xamar oo ay ku Jiraan Dad danbiyo Kalla Duwan Ku Eedeysan Habba U Badnaadeen Dhalinyaro ku Eedeysan in ka Tirsanaayeen Kooxda Al-shabab ayaa Waxaa Maalmahaani kasoo Warinayay Dhibaatooyin kalla Duwan
Waxaa Booqday masuuliyiin Sar Sare oo ka Tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Kuwaasi oo Halkaasi u Taggay Indha Indheeyn Balse Waxaa ay lasoo Kulleen Arin aan Caadi aheyn oo ay Dadka Hellin Raashin Taasi oo Halis Ku ah Jiritaanka Nafsi
Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa si cad u sheegay in dhibaatooyin adag ay ka jiraan xabsiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamusho ee maxabiista ku xiran.
Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in xabsiyada qofka lagu xiro isaga fal dambiyeed ku eedeysan, balse kolka laga soo saarayo qofkaasi uu noqdo mid kasii daran dhibaatadii kolkii hore loo xiray, taasi oo u la jeedo in dhaqanka qofka uu ku doorsoomo xabsiga dhexe, halkii qof dhaqan wanaag uu kala kulmi lahaa xabsiga.
Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa sheegay in sharciga uu dhigaayo qofkii aanan galin wax dambi ah ama lagu waayo in lasii daayo oo aan lagu hayn xabsi Dowladeed.
Wuxuu tilmaamay in qofka muwadinka aan lagu ciqaabi karin xabsiga sida sharciga uu dhigaayana loo baahan yahay qofka inaan lagu xadgudbin.
Mahad Cabdalla Cawad oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in hadii Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Bashiir Goobe uu wax ka qaban waayo, xaalada adag ee ka jirta xabsiyada Dowladda, xil dambe qaranka uusan ku aamineyn sida uu yiri.
Xabsiyada ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka buuxa maxaabiis badan oo qaarkood weli aysan maxkamad xukumin, iyadoo sharciga dalka uu dhigaayo qofkii aan maxkamad xukumin inaan xabsiga lagu hayn karin.
Masuuliyiin Booqatay xabsigga Dhexe Maxeey kusoo Arkeen''
Xabsigga Dhexe Ee Xamar oo ay ku Jiraan Dad danbiyo Kalla Duwan Ku Eedeysan Habba U Badnaadeen Dhalinyaro ku Eedeysan in ka Tirsanaayeen Kooxda Al-shabab ayaa Waxaa Maalmahaani kasoo Warinayay Dhibaatooyin kalla Duwan