Askar iyo dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

0
Sunday November 11, 2018 - 09:28:39 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

    Wararka saakay aan ka heleyno Deeganka Meertaqwo oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday goob maqaaxi oo shaah laga cabo oo ku taalla deegaankaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka saakay aan ka heleyno Deeganka Meertaqwo oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday goob maqaaxi oo shaah laga cabo oo ku taalla deegaankaasi

Maqaaxida xiliga uu weerarka dhacayay ayaa waxaa fadhiyay Askar ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah,waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan weerarka waxaa ku dhintay Saddex Ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda,halka uu ku dhaawacmay qof kale oo Shacab ah.

Ilo xog-ogaal ayaa sheegaya in kooxda weerarka ku qaaday maqaaxida shaaha lagu cabo ee ku taalla deegaanka Meertaqwo ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab,isla markaana la socday Gaari Homay,iyagoo weerarka kadib goobta baxsaday.

Deegaanka Meertaqwo oo ku dhow Degmada Mahadaay iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa saakay ka socda howlgalo xoogan oo ay wadaan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan,waxaana hawada laga saaray isgaarsiintii deegaankaas.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip