Dhuusamareeb oo Laga Mamnuucay Ciyaarta Niikadda ''Sabab''

0
Tuesday May 19, 2015 - 00:07:45 in Wararka by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuusamareeb oo Laga Mamnuucay Ciyaarta Niikadda ''Sabab''

    Nuur Cilmi, Taliye Ku Xigeenka Booliska Magaalada Dhuusamareeb, ayaa maanta sheegay in Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay ciyaaraha Jaamka iyo Niikada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuur Cilmi, Taliye Ku Xigeenka Booliska Magaalada Dhuusamareeb, ayaa maanta sheegay in Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay ciyaaraha Jaamka iyo Niikada.
"Waxaan la lee yahay Niikada iyo Jaamka waa ka mamnuuc in lagu ciyaaro Magaalada Dhuusamareeb, sababtoo ah amni daro ayaa ka dhalan karta.” Ayuu yiri Taliye Ku Xigeenka.

Waxa kaloo uu yiri "Ciyaarta Jaamka oo kale goobaha lagu qabto waxaa isugu yimaado dad badan, way isku qaban karaan, way isku dhex dagaali karaan, waana wax liddi ku ah amniga.”

Waxa uu intaa raaciyay "Gurigii lagu arkaa iyadoo lagu ciyaarayo laamaha ammaanka waxay amar u qabaan inay gacanta ku soo dhigaan dadka ku sugan oo idil, si Maxkama loo soo taaggo. Tallaabana looga qaado.”

Nuur Cilmi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa si adag dadka deegaanka kaga digay inay dhegaha ka fureystan awaamiirtan, haddii kalana ay ciqaab la kulmi doonaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip