Aqrintu Waa Koriyaha Maskaxda Bini'Aadanka" Faallo.

0
Monday June 01, 2015 - 19:05:59 in Wararka by
  • Visits: 2314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqrintu Waa Koriyaha Maskaxda Bini'Aadanka" Faallo.

    Dunidan aynu joogno oo lagu tiriyo dunidii cilmiga ayaa waxa lagu baratamaya curin ama hindise-cilmiyeed ku dhisan Aqli yo Aqoon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan aynu joogno oo lagu tiriyo dunidii cilmiga ayaa waxa lagu baratamaya curin ama hindise-cilmiyeed ku dhisan Aqli yo Aqoon. Waxana markasta ku aragnaa mareeg-wareedyada iyo masraxyada caalamka Cilmi-baaris lagu guulaystay ama halabuur soo siyaaday waxaana laysku raacay in dhamaantood ay saldhig u tahay Aqrinta oo la joogteyey culuumtii hore iyo tan maantadan oo la kulmiyayna waxay dhashay hindise biloow fiican u noqon kara jiilka danbe si ay wax ugu siyaadiyaan qudhooda una helaan meel ay waxka bilaabi karaan.
Ciwaanka aan horudhaca uga dhigay qormadayda ayaa micnihiisuyahay Aqrintu inaytahay barbaariyaha maskaxda tan kalana wuxuu bixinaayaa sawir ah inay maskaxda bini’aadanku u baahantahay koriinsho ama kobcin.
Saynisyahan u dhashay dalka Gariiga oo lagu magacaabo (Democritus) laguna daro dadka cilmiga sayniska ah meel sare ka gaaray ayaa mar uu ka sheekeynayay Aqrinta iyo doorka maskaxda bini’aadanka waxa uu yiri "nafta bini’aadanka sida ay ugu baahantahay biyaha iyo raashinka ayay maskaxduna ugu baahantahay in lagu quudiyo aqrinta si ay u hesho jawaabta sirta ka qarsan” taa oo muujinaysa in maskaxdu markay xeeriso ururiso culuum badan inay la imaanayso hal-abuur.
Ma jiro mu’alif ama aqoonyahan heer ka gaaray cilmiga mid u saaxiib ah wax aqrinta mooyee waxayna sahlaysaa inuu kala garto baahida bulshadiisa ama shacauubta caalamka.
Bulshada fakhriga ka ah wax Aqrinta waa kuwa maanta lagu tilmaamo dunida sadaxaad oo la micno ah inay laba mar ka danbeeyaan dunida casriga ah ama aqrinta badan.
Goobaha lagu keydiyo buugaagta sida maktabadaha oo la badiyo iyo ardayda oo la siiyo fursado ay waxku aqrin karaan waxa ay kocinaysaa garaadka Aqoon ee bulshada.
Muhiimada aqrintu ma aha mid miisaan fudud markuu malakul jabriil ugu imaaday Nabigeena maxamad (NNKH) isagoo ku sugan buurtii (Qaarul_Xiraa) hadalkii ugu horeeyey ee uu dhaho waxay ahayd IQRa oo la micno ah aqri waana tan maanta ay inagusoo gaartay diinteena suuban aqrintu.
Aqrintu waxa ay dadka ka saartaa jahliga iyo mugdiga waxayna ka dhigtaa mid xog-ogaal u ah inbadan kana faham badan bulshada uu la noolyahay.
Dalka jarmalka oo lagu tilmaamo inu kamidyahay dalalka hrumarka ka sameeyey cilmiga kana mid ah wadamada lagu sheego (six world power) lixda wadan ee ugu cududa roon aduunka dagaalkii labaad ee adunka WW2 ee socday intii u dhaxaysay 1938-1945 waa lakaga guulaystay wana lagu xasuuqay malaayiin ayaa lagu dilay waxana burburiyay dhismayaal badan oo ay kujireen iskulaad,jaamacado iyo goobo lagu keydiyo waxyaabaha taariikhiga ah.
Hay’adihii gurmadka ama gargaarka u tagay waxyaabihi ugu horeeyey oo ay ka codsaden waxa kamid ahaa in dhismayaasha burburay hoostooda lakagasoo saaro buugaagta iyo taariikhaha kaga jira waxayna u arkayeen aqrinta buugaagta iyo aqoontuba inaytahay tan kaliya ee ka caawinkarta inay soo kabsadaan.
Saynisyahankii weynaa ee Alfred Nobel oo abaalmarinte Nobel peace-ka ay aawadii kutimid ayaa yiri”AQRINTU QOFKA DA’DIISA AYAY DA’ UGU DARTAA” waxayna tilmaam ka bixinaysaa koriinshaha maskaxda qofka wax aqriya sidoo Alfred Nobel waxuu dardaarmay in biladan Nobel-ka ah lagu abaalmariyo qofka wax kusoo siyaadiya aduunka lana yimaada hal-abuur.
Soomaaliya waxa lagu Qiyaasaa dadka wax qora waxna aqriya 65% laakiin su’aashu waxaytahay ma joogteeyaan Aqrinta???
Hadaba naftaada weydii bishii imisa buug ayaad Aqrisaa??
W/D/ Nuur shariif shaacir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip