Dagaalka cusub ee Al-Shabaab iyo Xisbul-Islam ku hayaan saxafada madaxa banaan. Faallo.

0
Tuesday April 13, 2010 - 21:19:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka cusub ee Al-Shabaab iyo Xisbul-Islam ku hayaan saxafada madaxa banaan. Faallo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idacadaha ku yaala qeybaba ay mucaaradka ka taliyaan ee magalada Muqdisho ayaa joojiyey dhawaqa Musik-ada dhamaan, waxa kale oo hawada ka maqan idacadaha BBC-da oo laga dhageysaneen FM-yadii qeybo badan oo Koofurta Somaliya, casimadane ay ku jirto.

Xayiraadahaan cusub ayaa waxa soo rogey Al-Shabaab iyo Xisbul-Islam oo sida muuqata doonayo "iney afka qabtaan xoriyadda saxafadda" ee kajirtay Somaliya, gaar ahaan koofurta oo dagaalane ka socdeen.

Cabsi ayaa jirto oo la xiriirto iney dhacaan dilal lala eeganayo saxafiyinta ka howl-gala deeganada ay ka taliyaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ama ay la wareegaan idacado ku yaala Koofurta sida ay horey ugu goodiyeen.

Cabsidaas waxa qaba inta badan ururada saxafada ee ka shaqeyo wadanka Somaliya oo sheegayo in wariyaal horey loo diley markii ay booriyeen nabadda in la taagero ama ay kasoo horjeesteen iney buunbuuninayo warar kooxaha dagalada ku baaqaya.

Dhawaq cusub oo noocyada xayawanada ayaa lagu soo waramay iney idacadaha ku badaleen astamihii Musik ee isticmaalijireen, waxa kale oo soo daynayaan gabayo iyo baraaburo.

Idacada codka Mareykan-ka ee VOA-da oo xayireen Al-Shabaab iminka waxa dib looga dhageystaa Muqdisho iyo agagaraheeda, waxana soo daaya idacada afka dowlada ku hadasha ee Radio Muqdisho balse idacada kale ee BBC-da ayaa wali lagu jahwarersan yahay, lagana dhageysan koofurta marka laga reebo mowjadaha gaagaban iyo barta Internet-ka.

Website-yada Somalida oo hada ah kuwa ugu aaminaada badan ee laga helo wararka madaxa banaan ayaa noqonayo meel laga sii xog raadsado, hadii ay sii badato caburinta lagu hayo

Dadka indha-indheeya xaaladaha saxafada Somaliya ayaa sheegayo iney tani tijaabi u aheed af qabad cusub oo damacsan yihiin kooxaha mucaaradka iney ku sameyaan tafaftir idacadaha ku yaala goobaha ay ka taliyaan.

Dowlada federalka, hay’adaha gudaha ee saxafada iyo xuquuqda aadanaha u dooda iyo kuwa caalamka ayaa canbaareyno usoo jeediyey xanibadaha ay mucaaradka islaamiyinta kusoo rogeen saxafada madaxa banaan.

Saxafada Somaliya ayaa wixii ka danbeeyay la kulantay handadaado xoogan oo uga imanayay kooxaha islaamiyinta ee dagalada ku jira, kuwaas oo lagu eedeyo iney dileen wariyaal dhowr ah, qaar kale aya nafsadooda kala soo orday oo dalka Somaliya ka baxay.

Wixii ka danbeyay sanadkii 2000, Somaliya waxa ay heleysay madax banaani xagga xoriyadda, balse tan iyo markii ay soo baxeen isbaheysigii maxkamadaha 2006-dii ilaa hada oo kala jabeen saxafada ayaa u muuqataa mid sii liiceeysa.

Dadka magalada Muqdisho ayaa dhageysta idacadaha Radio Muqdisho oo afka dowlada ku hadasha iyo Bar-kulan oo afka AMISOM ku hadasha, labadaba waxa kasoo horjeestay in la dhageysto kooxaha islaamiyinta oo ku goodiyey in qofkii ay ku helaan asigo dhageysanayo ay tilaabo ka qaadi doonaan.

Al Shabaab oo wadamo badan oo caalamka ay ku dareen liiska ururada Argagixisada ayaa sheegatey iney xiriir la leehdahay AlQacida, halka kooxda Xisbul Islam ay sheegeen iney ku casuumayaan Somaliya wadadka la raad-raadinayo ee Usama Bin Ladin.

Laba urur ee Al-Shabaab iyo XIsbul Islam oo dagaalo kala soo horjeeda Dowlada federalka, ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo Culuma’udiinka Ahlu-Suna ayaa waxa gudahooda ku jiro guluf dagaal ee ay iskaga soo horjeedaan kaas oo ka dhacayo goboladda koofurta Somaliya.

Maxamed Cabdi-Nuur Mascud

mascudmedia@gmail.com

--
Mohamed Abdi Nor Mascud

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip