Tarsan: "dadka Muqdisho uga dhawaqayo maamulada Maskaxda ayaa looga jiraa"

0
Thursday March 15, 2012 - 11:29:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan: "dadka Muqdisho uga dhawaqayo maamulada Maskaxda ayaa looga jiraa"

    Gudoomiyaha Maamulka gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shaqsiyaad mamulada ku dhawaqaya ee jooga dalka iyo dibadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maamulka gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shaqsiyaad mamulada ku dhawaqaya ee jooga dalka iyo dibadiisa.
Tarsan ayaa sheegay in uu aad ula yaaban yahay dadka mamulada isaga dhawaaqaya misna u tilmaamay ku qanacsanaya magaca madaxweyne xafladaha ku dhiganaya hotelo kuyaala dalka iyo dibadiisa in ay iska dhaafan magac xumada uga imaanaysa riyada ay ku jiraan shaqsiyaad kaasi

Waxa uu intaasi ku daray gudoomiyaha gobolka banaadir in uu san aqoonin mamuladaasi halka ay katalinayaan taasina macnaheedu uu yahay raga abaabulaya maskax ahaan in aysan fadhin sida uu yiri.

Gudoomiyaha mamulka gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho maxamuud axmed nuur tarsan ayaan weydiinay mamulka banaadir State ee goordhow la magacaabay ee la sheegay in uu katalinayo sadaxda gobol ee daris ah sida gobolka banaadir sh. hoose iyo sh. dhexe hadii laqabto sida uu u arko.

Tarsan ayaa kadalbaday dad uu ku eedeyay in ay ku xunyihiin jagada uu haayo kuna ficlaya sida uu sheegay in uusan u dhalay gobolka markii lagaaro doorashooyin xur ah dadkaasi uu tusi doono aqlabiyada uu ku dhex lee yahay Shacabka Gobolka Banaadir.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxa soo badanayay Maamulo qaarkood u muuqday kuwo halka lagu sheegayo ay gacanta ku hayaan xarakada al shabab
balse dadka ku dhawaaqaya ay joogaan dalka dibadiisa.


W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip