Sidee loo baaraa xanuunnada Maskaxda?

0
Wednesday September 29, 2010 - 09:17:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee loo baaraa xanuunnada Maskaxda?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku takhasusay xanuunnada maskaxdu waxay u kala qaybiyaan jirrooyinka maskaxda qaybo kala duwan.
Baritaanku waxuu ka caawiyaa dhakhtarka inuu ogaado daawada fiican iyo inuu saadaaliyo waxa suuro galka ah inay dhacaan. Tani nafis bay u noqon kartaa qofka isku buuqsan si uu ogaado waxa khaladan.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanku xadbuu leeyahay. Waayo aragnimada qof kasta uu u yeesho isku dar daran xagga maskaxda ah waa mid u gaar ah si khaldan baana loo akhrisan karaa, gaar ahaan haday jiraan farqi xagga dhaqanka, bulshada ama diinta oo u dhexeeya dhakhtarka iyo bukaanka.

Qofbaa laga yaabaa inuu ka helo natiijooyin kala duwan dhakhtarro kala duwan oo jirradiisa baara. In si fudud uun la isaga abbaaro
calaamadaha muuqda uun waxay noqon kartaa in aan qofka iyo xaaladdiisa guud ahaan ahmiyad loo siin. Khibraddoodu waxa laga yaabaa
inay micno u leedahay taasoo barista caafimaadku aysan gaari Karin.

Khatar kale waxay ka iman kartaa markii uu baaritaanku noqdo calaamad la iskaga dhejiyo qofka, tusaale ahaan, intii qofka loo arki lahaa waalid, makaaniko, qoraa ama arday qaba xanuun maskaxeed, waxa laga yaabaa in qofka loo arko “wax waalan”. — sidii oo baaaritaankaasi uu yahay gabogabo kama danbays ah.

Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in baaritaanku aysan ahayn inuu asal u noqdo nolosha qofka oodhan, waxuu noqon karaa qayb yaroo ka mid ah qofka taariikhdiisa ama shakhsiyaddiisa.
Waxa laga yaabaa in si buuxda looga raysto xanuun xagga maskaxda dad badanina wayba raystaan. Mararka qaarkood dadku waxayba ka soo baxaan khibraddaas iyagoo into hore iskala wayn qaarna way soo dhaafaan dhibka intiisa badan laakiin xanuunka khatar bay ugu jiraan wuuna ku soo noqnoqdaa.

Dhakhaatiirta maskaxdu si sugan uma saadaalin karaan waxa qof kasta uu ku danbayn doono. In laga raysto xanuunnada maskaxda intooda badan waa suuro gal, nasiib darro dadka qaarbaa loo sheegaa inaysan raysan Karin. Hadallada noocaas waxay noqon karaan waxa bukaanku sugayay waayo waxay ku sii qancinayaan rajo la’aantii uu qabay..

Waxa muhiim ah inaan marnaba la is dhiibin wax kasta ha laguu sheegeen
w,d dr.ali omar abati binfaghi
email is dr.abatialfaghi@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip