Sidee looga Ciiday maanta magaalada Hargeysa (Sawiro)

0
Friday July 17, 2015 - 21:51:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Ciiday maanta magaalada Hargeysa (Sawiro)

    Dunida Islaamka ayaa maanta si weyn loogu dabaal-dagay, gaar ahaan goboladda Somaliland oo dadweynihii waaweyn iyo yar-yarba saaka waaberigii u dareereen labadda rakcadood ee salaadda Ciidul fidriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunida Islaamka ayaa maanta si weyn loogu dabaal-dagay, gaar ahaan goboladda Somaliland oo dadweynihii waaweyn iyo yar-yarba saaka waaberigii u dareereen labadda rakcadood ee salaadda Ciidul fidriga.
Magaalada Hargeysa, waxa kala qaybgallay dadweynaha masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaanu madaxweynuhu kala qaybgalay salaada Cidal Fidriga masjid-jaamaca weyn ee caasimada Hargeysa oo kumanaan ka mida shacbiga Somaliland kula tukaday.

"Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu sanadkn sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu dadkeena quluubtiisa isku soo jeediyo, waxaanan ilaahy caalamka islaamka inuu ilaahay nabad qab is jacayl iyo wanaag siiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu horu marka dalkeena iyo wada jirkeena inoo xoojiyo.” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, Madaxweyne xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici, iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa sidoo kale Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium kula tukaday kumanaan dadweynaha Hargeysa ah.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland ayaa Shacabka Somaliland uga digay qabyaalaadda, isagoo sheegay inay Qabyaaladu fiicnayn, isla markaaana dib u dhigto Bulshooyinka Adduunka.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip