Muslimiin isugu soo baxday magaalada Oslo sidee unadiifiyaan goobihi lagu caweeyay habeenka sanadka Cusub.

0
Monday January 02, 2017 - 02:08:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiin isugu soo baxday magaalada Oslo sidee unadiifiyaan goobihi lagu caweeyay habeenka sanadka Cusub.

    Tiro muslimiin ah oo katirsan Masjidka Axmadiya ee magaalada Oslo dalka Noray ayaa sanad waliba xiligaan oo kale waxa ee abaabulaan howlo iskaa wax uqabso ah oo ee kunadiifinayaan goobaha ee ku caweeyaan dadka soo dhaweenaya sanadka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiro muslimiin ah oo katirsan Masjidka Axmadiya ee magaalada Oslo dalka Noray ayaa sanad waliba xiligaan oo kale waxa ee abaabulaan howlo iskaa wax uqabso ah oo ee kunadiifinayaan goobaha ee ku caweeyaan dadka soo dhaweenaya sanadka cusub.

Kooxdaan muslimiinta ah ayaa la arkayay iyagoo qaadaya qasacyada cabitaanada, baaruuda la rido habeenka sanadka cusub iyo dhamaan wixi qashin ahaa oo yiilay goobtaani.

Tv-ga caanka ah ee dalka Norway TV-2 ayaa kadiyaariyay warbixin kooban iyadoo intaa kadibna sida caadada u ah baryahaan danbe dadka Norwegianka ee doood kulul isku weedaarsadaan boga facebooka ee TV-ga.

Dadyow aad utiro badan ayaa oo norwegian ah ayaa aragtidooda ku taageeray kooxdaan islaamiga ah ee isu abaabushay nadiifinta qashinka iyagoo ugu baaqay dowlada Norway.

«Waxey qabteen howl muhiim ah oo muujineeso in Islaamka oo idil uusan argagixiso aheen «, ayuu yiri mid kamid ah dadki aragtidooda ka dhiibtay sidee u arkaan howsha ee qabteen kooxda ka socotay masjidka Axmadiya ee magaalada Oslo Norway.

Nin hor kacayay kooxda waday howlaha iskaa wax uqabashada ayaa tilmaamay iney tani ee uga gol leeyihiin in ka islaami ahaan ee isu xilsaareen dib usoo celinta bilicda faras magaalaha Oslo.

«Howlahaan iskaa wax uqabashada waa mid qiimo weyn ugu fadhida bulshada reer Norway waana mid aan aad usoo dhaweyneeno hadii aanu nahay umada Islaamka ee kunool wadanka Norway».

«Shaqadaan waxa bilaabnay kadib marki aan salaada subax kusoo dukanay masjidka», Zahoor Ahmed oo ah hogaamiyaha kooxda isu taagtay howshaan nadaafada iskaa wax uqabsashada ah.

Baryihi udambeeyay ayaa waxa dalka Norway gaar ahaan shabadakaha kahadla arimaha bulshada waxa qabsaday doodo umuuqday kuwa laga dhadhansan karo naceeb xad dhaaf ah oo ee isku qaadayaan dadka kala diimaha ah ee iskula nool guud ahaan qaaradaan Yurub gaar ahaan dalka Norway.

Ma cada waxey ee arintaani ka badali karto kala shakiga xoogan ee dadyowgaan udhaxeeyo hasa yeeshe inta qabta rajada wanaagsan ayaa talaabadaani mid fariin cad udireesa dadka sida qaldan ka fahma dadka Muslimiinta ah iyagoo mooday in dhamaan ee wada yihiin dad argagixisaa.

Xigasho: http://www.tv2.no/nyheter/8835259/ 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip