Sidee Saxafiyiintu u arkaan Go'aankii Maxkamada Sare ee NUSOJ ?

0
Tuesday February 09, 2016 - 00:36:24 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Saxafiyiintu u arkaan Go'aankii Maxkamada Sare ee NUSOJ ?

    Axmed Ciise Guutaale "Haddi Xoog wax lagu Xukumi lahaa waxa joogi lahaa Dowladi Milateriga, iyo kuwii kale…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Ciise Guutaale "Haddi Xoog wax lagu Xukumi lahaa waxa joogi lahaa Dowladi Milateriga, iyo kuwii kale…


Cabdinaasir Xirsi Iidle "Waa Xukun aan la yaabey , waxaana ku tilmaami karaa Madaxii oo Majihii loo rogey, waxaana arkii jirey Xukun labada Dhinac la dhagsysto.

Bakistaan "Waa Xukun aan waa faqsaneyn Dastuurka Fiiri qodobka 107 waxaa uu leeyahay Xukun kasta oo Maxkamadeed…

Ismaaciil Khaliifa "Waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha in ay deg deg wax uga qabtaan Xadgudubkaas”

Maxamed Deeq Barre Fiyoore "waxaa la yaab leh maxaa mar waliba u guuleystaa Xukun kasta oo uu Qareen ka yahay Avv Tahliil meeshaa waxa u baahan tahay fiiro gaar ah oo baaritaan u baahan ”

Cabdifitaax Macalin Nuur (Qays) Soomaalida waxay tiraahdaa Madax meel ka sareysa oo la salaaxo ma jirto , waa meeshii aan isla heyn….

Cabdirisaaq Xasan " Hadii aan nahay Wariyayaasha Gobolada Dhexe waxaa ar waliba nala soo xiriiri jirey Bakistaan

Waxaa Magaaladda Muqdsiho lagu qabtey Kulan Balaaran oo ay ka qayb galeen Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Dalka waxaa si wada jir ah u so qaban qabiyey Ururka NUSOJ, SIMAHA , iyo SHABAKADA 2013 ,waxaa looga soo horjeedey Xukunkii Maxkamada Sare ee Ururka NUSOJ

"Haddi Xoog wax lagu Xukumi lahaa waxa joogi lahaa Dowladi Milateriga, iyo kuwii kale ee ka dambeeyey sidaa darteed Gudoomiyaha Maxkamada waxaa ka dhageystey in uu ka qayb galey Xaflad loo sameynayey Boqrada Ingiriska Hooyadeed marka isagaa baahan in meesha laga qaado oo Beeshin laga dhigo” sidaa waxaa yiri Axmed Ciise Guutaale oo ah Agaasimha Idaacada Mustaqbal

"Xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan mudadii Xilka uu hayey waxa uu ahaa shaqsi u gurmanayey Bahda Saxaafadda, kan dhaawaca ah Dhiigiisuu u shubayey, Kan dhintey Qoyskiisu u aruurinayey Qaaraanka , kan Xiran Xabsiguu ku booqnayey islamarka ku qaylinayey in la siidaayo marka ninka sidaa uga war qaba ayaa maanta la yiri xilkaas ma mudnid marka Gudoomiyaha Maxkamadda waa qof aan wax ogeyn sidoo kale waxaa la yaab leh maxaa mar waliba u guuleystaa Xukun kasta oo uu Qareen ka yahay Avv Tahliil meeshaa waxa u baahan tahay fiiro gaar ah oo baaritaan u baahan ” sidaa waxaa yiri Maxamed Deeq Barre Fiyoore ah Gudoomiye ku xigeenka SIMHA , ahna Agaasimaha Radio Danan oo hore u soo qabtey Xilka Gudoomiyaha NUSOJ

" Waa Xukun aan la yaabey , waxaana ku tilmaami karaa Madaxii oo Mjihii loo rogey ,waxaan arki jirey Xukun laga bilaabo heer Gobolka oo mara Darajooyin dhowr ah , sidoo kale waxa la yaabay , waxaana arkii jirey Xukun labada Dhinac la dhagsysto. Xaqiiqdii muddo dheer ayaa Saxaafada ku jirey weligeey ma arag Cumar Faaruuqa sidaa darteed waxaan soo jeedinaya in Xukunkaas dib loog laabto” sidaa waxaa yiri Cabdinaasir Xirsi Iidle oo ka mid ah Wariyayaasha Soomaaliyeed sido kale waxaa ka Hadley Cabdifitaax Xasan oo ku hadlayey Magaca Wariyayasha Gobolda Dhexe isna yiri "Waxaa mar waliba nala so xiriirayey Xoghayaha Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistaan oo wax naga weydiin jirey Xaaladeena "

"Xukunka Maxkamadda waxaa uu ku soo beegmey Xilli la ansaxiyey Sharciga Saxaafada,,Soomaaliduna waxay tiraahdaa Madax meel ka sareysa oo la salaaxo ma jirto , waa meeshii aan isla heyn Xaquuq fara badan oo naga maqan ayey noo soo dhicin lahayd sidaa darteed waa Xukun aan laga fiirsan " sidaa awaxa yiri Agaasimaha Radio Xurmo Cabdifitaax Macalin Nuur ( Qays)

" Waa Xukun aan waa faqsaneyn Dastuurka Fiiri qodobka 107 waxaa uu leeyahay Xukun kasta oo Maxkamadeed waxaas sharci ah in labada Dhinac ay joogaan oo Dacwadooda la dhageysto sidoo kale ila fiiriya qoraalka Xukunka waxaa ku qoran in Nusoj la aas aaasey 2005 , Nusoj waxaa la aas aasey Sannadkii 2002 waa aayaadaro in Gudoomiyha Maxkamada oo ogaa waxqabkeyga gaar ahaan markaan ka qaylinayey Xukunkii Cabdicasiis Koronto oo aan dhowr jeer la kulmey Gudoomiyaha Maxkamada aniga oo ah Xoghayaha Nusuj hadaba maxaa isbedley” sidaa waxaa yiri Xoghayaha Nusuj Maxaamd Ibraahim Isaaq (Bakistaan) mar uu ka hadlayey Kulankii ay isugu yimaadeen Bahda Saxaafada oo looga soo horjeeday Xukunka Maxkamadda Sare

"Wxaan u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha in ay deg deg wax uga qabtaan Xadgudubkaan lagu sameeyey Saxaafadda Soomaaliyeed sidoo kale marnaba ka yeelimeyno in nalagu jajuubo ruux aan agnahay waxa uu u geystey Saxaafada Soomaaliyeed , waxaan fileyney Xukun midkaan ka duwan ‘ sidoo waxaa yiri Afhayeenka Ururka SIMHA Ismaaciil Khaliifa iyadoo Xubnihii ka qayb galey Kulankaas oo wateen Boorar ay uga soo horjeedaan Xukunkaas

" Gababagadii anigoo ah Qoraha Warkan waxaa uu Xaaku u eg yahay in Xukunka Maxkamadda Sare uu yahay Xukun ka dhacay Guri Mugdi ah, oo aan dhihi karo waxaa uu horseedayaa in Xil loo Xukumo Shaqsiyaad horey siyaasadda ugu fashilmey, Waxayna Dad badan la yaaban yihiin in Idaacadda BBC-da oo ah Idaacada Caalami ah ay mar walba hareer marto Xaqiqda Dhabta ee dalka ka jirta gaar ahaan Madaxda Ururka NUSOJ.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip