Sidee maanta looga ciiday Magaalada Garowe (Sawiro)

0
Friday July 17, 2015 - 21:48:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee maanta looga ciiday Magaalada Garowe (Sawiro)

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal dadweyne ayaa maanta salaadii Ciidul Fidriga ku dukaday Garoonka K/c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal dadweyne ayaa maanta salaadii Ciidul Fidriga ku dukaday Garoonka K/cagta ee Garowe.
Mas’uuliyiintan ayaa maalmihii la soo dhaafay wada hadalo aan wax natiijo ah ka soo bixin lahaa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu muddo afar cisho ku sugan yahay magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo hadlay salaada ciida kadib ayaa sheegay inay aad u wanaagsan tahay nabadgelyada deegaanada Puntland, isagoo tusaale u soo qaatay in maanta ay meel qura salaada ciida ku wada dukadeen shacab iyo Mas’uuliyiin.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubbaland inay sanadkan ku ciideen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo uu xusay inay tahay dhul Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hambalyo u diray umadda Muslimiinta, waxayna sidoo kale Puntland ku ammaaneen nabada iyo xasiloonida ka jirta.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip