Cabdinaasir Caato oo soo Dhaweyay Xilka loo Magacaabay'''

0
Wednesday July 08, 2015 - 10:47:32 in Wararka by
  • Visits: 2055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdinaasir Caato oo soo Dhaweyay Xilka loo Magacaabay'''

    Iyadoo Maalintii shalay aheyd ay soo baxeyn warar ku aadan in Raisulwasaaraha soomaliya Cumar c.rashiid cali sharmarke oo Magacaabay a Afhayeenka xukuumada soomaliya kadib markii uu shaqada ka tagay C/Ridwaan xaaji c.wali oo ahaa afahayeenkii Hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Maalintii shalay aheyd ay soo baxeyn warar ku aadan in Raisulwasaaraha soomaliya Cumar c.rashiid cali sharmarke oo Magacaabay a Afhayeenka xukuumada soomaliya kadib markii uu shaqada ka tagay C/Ridwaan xaaji c.wali oo ahaa afahayeenkii Hore


Dhanka kale War cad oo ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha soomaliya Cumar c.rashiid cali sharmarke oo lagu cadeynaayo in Lamagacaabay Afahayeen cusub wali Masoo Bixin

Xiriiro aynu la sameenay ilo Lagu Kalsoonaan Karo uu ka shaqeeya Xafiiska Raisulwasaaraha soomaliya ayaa inoo xaqiijiyay in xilka Afahayeenka xukuumada soomaliya loo Magacaabay Mudane Cabdisalaam Axmed Caato

Siduu usoo dhaweeyay Afahayeenka cusub ee Xukuumada soomaliya Cabdisalaam Axmed Caato xilka loo Mgacaabay Maalintii shalay aheyd

War kooban oo ku soo Qoray Bartiisa Facebooka ayaa sida u qorneed

Ugu horeyn waxaan u mahadnaqayaa dhammaan asxaabtii iigu hambalyeysay magacaabistayda maanta la ii magacaabay Afhayeenka Dowladda (Government Spokesman). Qoraaladaa iisoo dirteen ama igu soo tag gareyseen dhab ahaantii waa idinkaga mahadnaqayaa. Inaan aad idiinkugu weynahay ayaad i tusteen.

Waxaan u mahadcelinayaa Raiisal Wasaaraha dalka Mudane Cumar Cabdirashiid go’aankiisa uu igu magacaabay isagoo eegaya waxqabadkeygii hore iyo inta aan ka aqaan Saxaafadda, Mu’adin Soomaaliyeed baan ahay oo dalkiisa wax usoo bartay diyaarna u ah inuu wax u taro sidaas daraadeed Mahadsanid Mudane ayaan leeyahay.

Weligey intaan ka caqlisaday waxaan aad u jeclaa inaan Filimaanta sameeyo iyo Saxaafadda laga soo bilaabo maalintaan Box Cutter-ka caasi Shabeelle u socotay aan ka dhex helay anigoo u socda iskuul englishka la isku baro oo la oran jiray Halima Private School 1987 (Aad baan u da’ yaraa ee yaan sanadaha la xisaabin – Kaftan).

Waxaan kaloo xasuustaa maalmaha axadda iyo Khamiista anoo u dhaadhaca ceelgaabta anigoo kasoo baxay iskuulkii Jamaal Cabdinaasir Hoose Dhexe si aan usoo gato Joornaalkii Xiddigta Oktoobar si aan u akhristo, Aniga iyo walaalkey ayaa ku tartami jirnay kii Joornaalo badan keydsada.

Waxaana ii xigay inaan wax ka sameeyo Joornaal alwaax lagu dhajin jiray oo aan ugu talo galnay ardayda iskuulkii Bartamaha sare inay akhristaan marka fasaxa cuntada loo soo baxo sanadku markuu ahaa 1989kii Waxaana ka mid ahaa ardaydii dhigan jirtay Bartamaha Sare.

Xilkan la ii magacaabay oo aan la dhayalsan karin, waa mid u baahan in idinka dhankiina aad iga caawisaan wixii talo iyo tusaale ah maadaama fikirka aanan hayn aad idinku haysaan.

Waxaan ballanqaadayaa inaan Ilaahay hadduu idmo inaan muujiyo shaqo howlkarnimo, iskuna xiro dowladdeena iyo shacabka Soomaaliyeed idinlana socodsiiyo waxqabadka dowladda iyo halka ay wax inoo marayaan maadaama Soomaaliya ay horay u socoto.

Fadlan igala socda facebook-geygan oo LIKE taabo, wixii talo iyo tusaale ahna halkan iigu soo qora, waana idiinkaga jawaabi doonaa.

Waxaad kaloo igala socon kartaan barta Twitterkeyga @AbdisalamAato.

Mar saddexaad mahadsanidiin dhammaan.

Soomaaliya Ha Noolaato.

Cabdisalaam Axmed Caato

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

(Somali Government Spokesman)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip