Ra'iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Oo Xasan Sheekh Ugu Baaqay In Uu Xilka Iska Wareejiyo

0
Saturday September 10, 2016 - 11:58:15 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Oo Xasan Sheekh Ugu Baaqay In Uu Xilka Iska Wareejiyo

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud in kasoo baxo Madaxtooyada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud in kasoo baxo Madaxtooyada Soomaaliya.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay Madaxweyne Xasan sharci ahaan maanta inuu ugu eeg yahay xilliga rasmiga ah ee uu sii haynayo jagada madaxtinimada dalka, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya loo baahan yahay inuu la mid noqdo Musharaxiinta dalka ku sugan.

"Hada Musharaxiinta ayaa la mid tahay Kursiga ayaad ka degaysaa, Villa Somaliyana waad ka soo baxeysaa, Babuurta aan xabadaha Karin anagaba ma haysano, meesha aan joogno meel ka xun lagu geyn maayo, meeshaas unbaad tageysaa, Madaxweynaha waqtiga waa uu ka dhamaaday mana aanan ogin sharci uu ku sii joogi karo”

Maanta oo kale afar (4) sanno ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha iminka waqtigiisu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fadhiistay kursiga Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ( Villa Somalia) , xilligaasoo aheyd markii ugu horeysay ee uu ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya si rasmi ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip