Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka iyadoo lagu horgeeynayo sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.
Sharcigaan ayaa waxaa meel mariyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia, iyadoo maanta la filaayo in Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed uu hortago Baarlamaanka Somalia oo uu ka hor aqriyo sharcigan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan Baarlamanka Somalia, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ajandaha kulanka Baarlamaanka maanta uu yahay Hindise Sharciyeedka ku saabsan la dagaalanka Argagixisada oo Wasiirka Amniga Baarlamaanka ka hor aqrin doono.
Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa la filayaa in sharcigan uu ka hor akhriyo Baarlamaanka, waxaana sharcigan oo aan wax badan laga ogeyn qodobadiisa la leelayahay waxaa ku jira qodobo aad u culus.
Xarunta golaha shacabka
ayaa amaankeda aad loo adkeyay. sidoo kale waxaa la xeray wadooyinka soo gala
dhamaan xarunta.
Golaha Baarlamanka Oo Kadooday Sharciga Ladagaalanka Argagaxisada
Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka iyadoo lagu horgeeynayo sharciga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.