Madaxweynaha: ''Barnaamijka isku dhafka ciidammada waxaa looga gol leeyahay in la dhiso ciidan muuqaal qaran leh''

0
Sunday July 26, 2015 - 19:46:45 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Barnaamijka isku dhafka ciidammada waxaa looga gol leeyahay in la dhiso ciidan muuqaal qaran leh''

    Kismaayo, 26 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 askari oo qeyb ka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo, 26 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah daaha uga rogey hawlgelinta 1350 askari oo qeyb ka ah barnaamijka heerka qaran ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidammadan oo qeyb ka ah qoondada gobollada Jubbooyinka kaga soo aadey dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada, ayaa waxaa muddo laba bilood ah uu tababar uga socday dugsiga tababarka militariga ee magaalada Kismaayo, waxaana ay hoos imaanayaan Saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay laf dhabar u yihiin amniga qaranka.

''Muhimadda koowaad ee barnaamijkan isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa weeyaan in la helo ciidan ka kooban Soomaali oo dhan. Tababarka iyo dhaarta aad maanta halkan ku marteen waxay ka tarjumayaan in wixii maanta ka bilowda aad tihiin ciidan qaran, oo aadan ahayn ciidan beel ama gobol gaar ah ka socda. Ma tihiin wiilasha reer hebel, ee waxaad tihiin wiilasha qaranka Soomaaliyeed'', ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nasiib darro ay ahayd in wiilal Soomaaliyeed ay ku dhintaan dagaalladii sokeeye , iyagoo beelo u dagaalamaya, cid walbana ay haatan ka dheregsan tahay cawaaqib xumada laga dhaxley, waqtigan la joogana loo baahan yahay in laga fikiro dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyay ciidammada iyo guud ahaan shacabka.

"Waxaan idin ku baaqayaa inaan ka wada shaqeyno sidii sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa waddankeena. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u yeelan lahayn dowlad xooggan oo dalka oo dhan adeegyada looga baahan yahay gaarsiin karta''.

Barnaamijka isku dhafka ciidammada ayaa ah mid heer qaran oo ay wadajir isaga kaashanayaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka, waxaana ujeeddadu ay tahay in la helo ciidan heer qaran oo tayadoodu sareyso, kuwaas oo ka hawlgeli kara guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS ka hor waxaa iyana halkaasi hadal ka jeediyay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Wasiirka Difaaca, S/Guuto Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini iyo diblomaasiyiin.

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip