Siyaaradi Caalimki ee ka aflaxeen Caalimiinti Ahlusunah Sheekh Daa'uud Cali Idiris oo lagu qabtay Warsheekh (Sawiro)

0
Friday July 31, 2015 - 18:41:51 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Caalimki ee ka aflaxeen Caalimiinti Ahlusunah Sheekh Daa'uud Cali Idiris oo lagu qabtay Warsheekh (Sawiro)

    Waxa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe lagu soo gunaanaday siyaaradi caalimki ee ka aflaxeen caalimiinta Soomaaliyeed Sheekh Daa'uud Cali Idiris oo loo yaqaano (Abuulan Sheekh Daa'uud).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe lagu soo gunaanaday siyaaradi caalimki ee ka aflaxeen caalimiinta Soomaaliyeed Sheekh Daa'uud Cali Idiris oo loo yaqaano (Abuulan Sheekh Daa'uud).
Abuulan Sheekh Daa'uud ayaa sidoo kale ahaa asaasihi Degmada Warsheekh oo uu sheekha u horseeday iney xarun diimeed aad loo qadariyo ee ka noqoto dhamaan dhulka Soomaaliya.

Sheekh daa'uud ayaa sidoo kale waxa uu degmada ku casuumay iney soo degaan culuma'udiin aad ufara badan sida Sheekha caanka ah ee Sheekh Abiikar Mixdaar oo doorka faafinta dacwada Islaamka kaalinweyn ka qaatay.

Hadaba taariikhda sheekha iyo doorka uu ka qaatay faafinta diinta islaamka iyo soo saaridi caalimiin magac uga tagay dunida Islaamka ayaa waxa kusoo qaadan doonaa qormooyin gaar ah, balse qormada maanta ayaa waxa kusoo qaadan doona xuska Sheekha ee lagu qabtay Warsheekh.

Siyaarada Sheekha oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabto xarunta sheekha ee degmada Warsheekh halkaasi oo ee soo xaadireen dadweyne aad ufara badan oo ee horkacayeen culuma'udiinka Ahlusunah Waljamaac

Siyaarada caalimka ugu horreyn waxaa lagu bilaabay qidmooyin quraan aqris ah oo loo hadiyeenaayo inti ahlu kheyr aheed oo u horeeyay Suubanaheeni Maxamed (NNKH), Axaabtiisi, ehelkiisi, iyo dhamaan culuma'udiinka ahlusunah waljamaac gaar ahaan Sheekha siyaaradiisi la joogay ee Sheekh Daa'uud Cali Idiris.

Kadib qadmooyinka Qur’aan aqriska ah ayaa waxaa la aqriyay tawasulaadkii oo ugu horreeyo Salawaatka Rasuulka CSW iyo madaa'ixda kale ee culuma'udiinka ahlusunah Waljamaac gaar ahaan qasaa'idki macaanta badnaa ee uu dajiyay Caalimki Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli). oo ku dajiyay Aaabiis Sheekh daa'uud Cali Idiris.

Gaba gabadii iyo gunaanadkii siyaarada ayaa waxaa dadka kazoo qeybgalay dhamaan loo aqriyey faataxooyin oo qof walba goonideeda loogu aqrinayo iyo kuwo caam ah oo marqura lwada aqristay iyadoo ducadii uu ugu dambeysay uusoo qatimay Saaxibul sijaadaha reer Sheekh C/raxman, Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar..

Waxa bahda Shabakada Warsheekh oo isku duuban oo idin leh allaah nagu kulmiyo Siyaaradaan teeda xigta inagoo samo iyo siyaado ah .

W/D: Maxamud Sh: Axmed Yare.&
Axmed Sh: Abukar
Xarunta Shabakada Warsheekh ee degmada Warsheekh
E-mail: warsheekh10@hotmail.com




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip