Sirdoonka dowlada oo dul istaagay xarumo sir ah oo Shabaabku leeyihiin

0
Tuesday August 04, 2015 - 07:39:45 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka dowlada oo dul istaagay xarumo sir ah oo Shabaabku leeyihiin

    Ciidamada Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howgallo ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ka mid ah goobo ay ka soo duuli jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howgallo ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ka mid ah goobo ay ka soo duuli jireen.
Howlgalkan oo bilowday xalay ayaa ciidamadu waxa ay ku bartilmaameedsanayeen barro si dhuumaaleysi ah ay maleeshiyaadka Shabaab uga sameysteen deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weeraro qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen deegaanka Lafoole iyo goobo kale.

Ciidamada oo mid mid u baarayay baraha ay xogtooda hayeen ayaa ku guuleystay inay bur buriyeen fariisin qarsoodi u ahayd maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, halkaasi oo ay ciidamadu ka heleen waxyaabo ay goobta uga carareen maleeshiyada Shabaab ee deegaankaasi ku dhuumaaleysan jirtay.

Howlgalladan lagu bartilmaameesanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid lagu cirib tirayo deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo howlgalkii xalay lagu bur buriyay ay dhabar jab u tahay maleeshiyaadka doonayay inay si qarsoodi ah u sameystaan baro ay bulshada ka dhibaateeyaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip