Qilaafki Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo dhinacyo kale soo galeen

0
Thursday August 13, 2015 - 18:56:43 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qilaafki Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo dhinacyo kale soo galeen

    Golaha Wasiiradda oo ka hadlay Mooshinka ay xildhbaanada qaarkood u gudbiyeen guddoonka - Mogadishu,8/13/2015..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiiradda oo ka hadlay Mooshinka ay xildhbaanada qaarkood u gudbiyeen guddoonka - Mogadishu,8/13/2015..
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa looga dooday xaaladda Siyaasadeed iyo midda Amni ee dalka, waxana laga soo saaray qodobada soo socda.

Goluhu wuxuu dareen ka muujiyey dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku howlan in ay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya.

Goluhu wuxuu tallaabadaas u arkay inay si weyn u dhantaaleyso:

a)Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.

b)Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.

c)Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 206, gaar ahaan taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.

d)Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

e)Kobaca dhaqaale ee dalka.

Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay.

Golaha Wasiirada waxay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka.

Markuu qodobadaas arkay ayuu Goluhu wuxuu usoo jeedinayaa xubnaha sharafta leh ee Golaha Baarlamaanka in loo baahan yahay in si mideysan looga gudbo xiliga kala guurka ah ee 2016 iyo inaan markale la sameyn khaladaadkii horey loo sameyn jiray xiliga dhammaadka muddada Dastuuriga ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip