Xubna Katirsan Xildhibaanadii Mooshinka Ka Kenay Madaxweynaha Oo La Laabtay

0
Tuesday August 18, 2015 - 10:45:44 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubna Katirsan Xildhibaanadii Mooshinka Ka Kenay Madaxweynaha Oo La Laabtay

    Xubna ka mid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda mooshinka la gudbiyayna uu ahaa mid sanad kahor ay sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubna ka mid ah xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixooda mooshinka la gudbiyayna uu ahaa mid sanad kahor ay saxiixeen.

Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay Mooshinka ka laabteen iyagoo 25 Xildhibaano ah, isla-markaana uu go’aankoodu noqday inay ka noqdaan Mooshinka.

"Anagoo 25 Xildhibaano ah waxaan ka laabanay Mooshinkii Madaxweynaha, waxaan go’aan ku gaarnay inaan la laabano go’aankii aan Mooshinka ku saxiixnay.” Ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar.

Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in Xildhibaanada Mooshinka ka keentay Madaxweynaha, ay isku ogaayen in kulan laga yeesho Mooshinka, ka hor inta aan la gudbin, laakiin ay Xildhibaano gaar ihi gudbiyen Mooshinka, iyadoo aan laga wada tashan.


"Mooshinkan muddo ayaan soo wadnay, waxaana Xildhibaanada isku ogayn ka hor inta aan Mooshinka la gudbin inaan kulan isugu nimaano, ka wada tashano qodobada lagu soo oogaayo Madaxweynaha, iyadoo aan nala gala tashan ayay Xildhibaano gaar ah Mooshinka gudbiyen. Maadaama ay sidaasi yeeleen anagoo 25 Xildhibaano ah, waxaan isku afgaranay inaan ka laabano.” Ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip