Is Qaqabsiga Dhismaha Maamulka Sh/Dhexe Iyo Hiiraan Iyo Dhawaqa W/Arimaha Gudaha (Xog Muhiim ah)

0
Tuesday October 06, 2015 - 09:46:51 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Qaqabsiga Dhismaha Maamulka Sh/Dhexe Iyo Hiiraan Iyo Dhawaqa W/Arimaha Gudaha (Xog Muhiim ah)

    Dhawaan ayay aheyd marki la hakiyay arimihii isku darka gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, go'aan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa lagu cadeeyay inuu dib u dhacay qorshihii lagu sameynayay isku daridda labadaasi gobol.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan ayay aheyd marki la hakiyay arimihii isku darka gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, go'aan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa lagu cadeeyay inuu dib u dhacay qorshihii lagu sameynayay isku daridda labadaasi gobol.

Sidoo kale Xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmihi la soo dhaafay si kala gooni-gooni ah u booqday Magaalooyinka Jowhar iyo Balad-weyne, socdaalka Mudanayaashaasi ayaa lagu macneeyay inuu gogol xaar u yahay qabashada Shirweynaha lagu yagleelayo sidii ay Maamul goboleed u yeelan lahaayeen labadaas gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Iyadoo kala aragti duwanaansho u dhaxeeya Gudoomiyaasha labada gobol ay dhowr jeer isu mariyeen qalabka Warbaahinta, Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Axmed ayaa marar kala duwan ku faanay in Magaalada Beledweyne ay nasiib u yeelatay iney marti galiso shir weynaha ay kula mataanoobeyso dhigeeda Jowhar, hase yeeshee hadalkaasi waxaa isna diiday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, hadal uu Saxaafadda siiyay Cali Xuseen Guudlaawe ayaa lagu cadeeyay in Gudoomiyaha Hiiraan uu ku fududaaday warka ka soo baxay, isagoo ku cel- celiyay inaaney jirin Magaalo la isku raacay oo lagu qabanayo shirkaasi.

Dhanka kalena iyadoo taasi ay jirto ayay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegtay in dhawaan la billaabi doono dhisidda maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo ka mid noqon doono dowlad-goboleedyada dalka ka jira.

Cali Abtidoon Xalane oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa dhismaha maamulkaan la dhamaystiri doono dhawaan, kaddibna howsha la billaabi doono.

Agaasimaha Guud oo hadlayay ayaa yiri "Howsha (maamul-dhisidda) waxaa qaban doona guddi farsamo oo madax bannaan oo ka imaanaya labada dadka labada gobol deggan, hadda waxaa la isku raacay tirada guddigan, waxa xiga waa in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya”.

Iyadoo dhanka kalena uu sheegay agaasimaha in wasaaraddu ay maamulkaas marka uu dhammaado ay ka shaqeyn doonto gobolka Banaadir oo u baahan in loo sameeyo sharciyo lagu caddeynayo maqaamkiisa, ayadoo ay arrintaas kaalin weyn ku leeyihiin golaha shacbigu.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne waxaa si xawli leh waxaa uga kala socda Diyaar garow, Qurxin, Dhismayaal Cusub iyo Tabaabusho ay mid walba ku dooneyso iney ku marti galiso shir weynaha la qabanayo


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip