Guddoomiyaha G/Banaadir oo Bixiyay Canshuurta Gurigiisa iyo kormeer uu sameeyay+Sawirro

1
Thursday October 15, 2015 - 19:53:08 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha G/Banaadir oo Bixiyay Canshuurta Gurigiisa iyo kormeer uu sameeyay+Sawirro

    Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka ayaa maanta waxay kormeereen degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, isagoo u kuurgalaayay sida a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka ayaa maanta waxay kormeereen degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, isagoo u kuurgalaayay sida ay u socoto qaadista canshuuraha guriyaha oo uu dhowaan ku dhawaaqay duqa Muqdisho.


Mas’uuliyiinta kormeerka sameyneysay ayaa waxay la kulmeen gudoomiyaasha degmooyinka iyo taliska ciidanka ilaalada deegaanka Xamar, iyagoo kala hadlay in la dardar galiyo Howlaha lagu qaadayo canshuurta dowladda hoose ee Xamar iyo in sidoo kale bulshada ku nool caasimada lagu wargaliyo inay si deg deg ah ku bixiyaan canshuurta guriyaha ay ku nool yihiin.

Kormeerka kadib waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye wuxuu sheegay in Maamul Dowladeed iyo shacabba looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuuraha lagu leeyahay.

"Maanta kormeer ayaan sameyney sidaad aragteen dhowr degmo ayaan soo kormeernay waxaana ku faraxsanahay sida ay howlaha u socdaan sidoo kale maanta gudoomiyaha gobalka Banaadir waxuu bixiyay canshuurta gurigiisa qofkastana waxaa wajib ku ah inuu bixiyo canshuurta.” Ayuu yiri Diiriye.

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in Hey’adaha amniga ay talaaba sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonan cidii ka dhaga adeegta inay bixiso canshuurta guriyaha.

"Talaaba ayaan ka qaadi doona qofkasto oo guri ku nool oo aan bixinin canshuurta guriga uu ku nool yahay sababta oo ah qofkaas waxaan u aqoonsan doonaa inuu diidan yahay Dowladnimada iyo in la horumari bilicda caasimada.” ayuu intaa ku daray Diiriye.

Mid kamid ah dadka bixiyay Canshuurta guriyahaya kaas oo ku nool degmada C/caziis ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku qanacsan yahay inuu iska dhiibo canshuurta lagu leeyahay si loo horumariyo Caasimadda Muqdisho.

1 (1)1 (5)1 (4)

1 (2)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip