Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uuna u Magacaabay Axmed Meyre Makaraan.
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu Magacaabay Axmed Meyre Makaraan oo hore u ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Gobolka Shabeellaha Dhexe isagoo sidoo kale ahaa Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale Axmed Meyre Makaraan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kahor inta uusan ku biirin maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Afhayeenka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle C/shakuur C/laahi (Shaashaa) ayaa Aqriyay wareegatada lagu Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle kaddib bilooyin uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Dhageyso:-Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Oo Si Rasmi Ah Loo Magacaabay
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uuna u Magacaabay Axmed Meyre Makaraan.