Maamulka Gobolka Banaadir oo mar kale is-hor-taagay waddoooyinka la xiri lahaa (SAWIRRO)

0
Sunday October 18, 2015 - 16:36:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo mar kale is-hor-taagay waddoooyinka la xiri lahaa (SAWIRRO)

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa mar kale is-hortaag ku sameeyay amar uu bixiyay wasiirka amniga Qaranka Somalia, kaasoo in la xiro wadada u dhexeysa isgoyska K-4 iyo hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa mar kale is-hortaag ku sameeyay amar uu bixiyay wasiirka amniga Qaranka Somalia, kaasoo in la xiro wadada u dhexeysa isgoyska K-4 iyo hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.
War-saxafadeedka ayaa lagu xusay in wasiirka amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed saaka keenay ciidan bartamaha waddada iyo birooyinkii lagu xiri lahaa, iyadoo durbadii ay gaareen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaddibna meesha laga qaaday birihii iyo waxyaabihii kale ee la doonayay in lagu xiro laamiga.

"Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray inaysan waddo Xamar ku taalla xirnaan doonin; iska daa in kuwa kale la xiro, waana waajib Dowladda Hoose saaran in waddooyinka xiran la furo; waxaana iska leh awoodda in waddo la xiro ama la furo Duqa Muqdishu,” ayuu Muun-gaab war-saxaafadeedka ku yiri.

Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hea.addaha amaanka gobolka inay ka hortagaan jid-gooyooyinka uu amarkooda bixiyay wasiirka amniga Qaranka oo ay sheegeen inay tahay shaqo uusan lug ku lahayn.

"Dowlada dhexe ee dalka waxaan faraynaa in hay’ad walba loo daayo hawsha ay leedahay, waayo inaan innagag canshuurta guryaha bixiya dhano shacabka aan ku dhisno waddada Wadnah iyo in wasiir heer federal ah uu burburiyo laami ay Turkigu noo dhiseen meel islama galayso,” ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli maalmo ka hor uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay duqa Muqdisho inay wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya la tiigsan doonaan sharciga.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip